BREAKING NEWS
Search

“Xaggeed Xoolaha Ka Keentay Cali Mareexaanow, Laba Guest House Iyo Guri Ayaad Leedahay?…Madaxweynaha Ha Difaacin Nagama Xigtide”

“Markhaati Baan Ka Ahaa Siciid Cilmi Rooble Oo Xataa Caafimaadkii Daahir Rayaale Wax Ka Sheegaya, Inta Badan Waxa Uu Ka Hadlaa Caafimaadka Dadka” …Xil. C. Mareexaan

Hargeysa(Foore) – Dood adag oo aan waxba la isula hadhin oo uu Xalay baahiyey Telefishanka Horn Cable Tv, una qabtay Qaar ka mid ah Xidhibaanada Baarlamaanka Somaliland ayaa si gaar ah waxa dooddaasi isugu abbaaray oo is beegsaday Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo Ka Tirsan Xisbiga Mucaaridka Ah ee WADDANI iyo Xildibaan Cali Mareexaan oo ka tirsan Xisbi Xaakimka Kulmiye, Waxa Doodani ay labaadaasi Xildhibaan ugu wada hadleen si qaawan iyadoo la isku sii daayay,waxaanu Siciid Cilmi Rooble Su’aal ka waydiiyay Cali mareexaan Hantida Guryaha uu ka dhistay halka uu ka keenay taasi oo uu Cali Mareen Ku Margaday kana jawaabi kari waayay.
Doodani oo uu qaybinay Maxamed Cabdi Sheekh Ilig oo ah Agaasimaha Horn Cable Tv ayaa waxa ay Xildhibaanada dooda lagu macsuumay si weyn uga doodeen qabsoomida doorashada iyo labada wakhti ee la iclaamiyay ee aan la isla meel dhigin ee ka soo kala baxday Golaha guurtida iyo Heshiiskii Axsaabta Siyaasaddu ku galeen Madaxtooyada Somaliland,murankaasi oo aan wali saldhigin.Xildhibaan Siciid Cilmi Roobe ayaa waxa uu ugu horayn isagoo doorashada ka hadlay hadalkiisa ku bilaabay sidan“Carqalad ayaa la galinayaa doorashadan,Haddii Xeerka Doorashada baarlamaanka oo aanay Maxkamadu Waxba Ku Xidhin,waxaan taasi ahayn,Hadii Doorashada Carqalado kale la galiyo waxaa qasab noqonaysa in Doorashadii Madaxweynaha iyadu Caqabadi ma hor taalee ay dhacdo wakhtigeeda”.
Waxa kale oo isna soo dhex galay oo hadalkaasi Siciid Cilmi Rooble isku dayay inuu ka jawaabo Xildhibaan Cali Mareexaan waxaanu yidhi “Inaad na tidhaahdaan waar idinku Masiirkiinii Toban sanno ayaad fadhideen,shan sanno ayaa la idiin doortay,2010-kii ayay idinkaga ekayd,2015-kii ayaad fadhidaan,walina waad sii fadhidaan”.
Isna Waxa doodii qaatay Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble waxa uu yidhi “Nidaamkii ayaa inaga burburaya,Wada Tashigii,Talo-wadaagii,Haybadii Dawladnimo,Kala Dambayntii,Wixii oo dhan ayaa inaga burburaya,anigu waxaan soo jeedinayaa,Xalkeedu waxa weeyi,Qodob ayaa ii fasaxaya Madaxweynaha inaan u yeedho,Waan u baahanay Madaxweynahayga oo shacabkuna wuu u baahan yahay,Waan waydiinayaa oo Su’aallo ayaan waydiinayaa oo waxaan baadhayaa Qodobkani ma mudaabiq ayuu ku yahay oo Odaygii waynu nasinaa Mise Odaygii wuu Caafimaad Qabaa oo Waa (fit),waxaan Tusaale ugu soo qaadanayaa,anigu waxaan ahay nin Maskaxdiisu Caafimaad Qabto oo nool,waad i aragtaan”.
Halkaasi markay marayso Dooddii,waxa biyo hoostood iska arkay Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble iyo Xildhibaan Cali Mareexaan,waxaana Badka soo dhigay waxlagu xanto Siciid Cilmi Rooble waxaanu ku yidhi isagoo Cali Mareexaan la hadlaya “Xageed Ka Keentay Xoolaha Cali Mareexaanow,Laba Bangalana Waad Leedahay “Two Guest Houses” Guri Xaasna waad leedahay,aanad hore u lahaan jirin?..Qodob labaadna waan leeyahay,Madaxweynaha ha difaacin Horta nagama xigtide”.
Xidhibaan Cali Mareexaan oo aad uga gubtay hadalka Siciid Cilmi Rooble islamarkaana wajigiisa aad ka garanaysay sida uu u dhib Saday eedayntaasi qaawan ayaa hadana isagoo hadalkaasi isdhaafinaya waxa uu yidhi “Siciid Cilmi Rooble waa dadka ka hadla had iyo jeer Caafimaadka dadka,Markhaati ayaan ka kicinayaa,Anaga oo Xildhibaano ah oo Mucaarid ah,oo aan markhaatigeedii keenayo oo aanu Kulmiye fadhino,ayaa Siciid Noo soo Galay,wuxuu yidhi Daahir Riyaale Kaahin Madaxweynihii waxaa ku dhacay “Xanuun”.ayuu hadalkiisa ku soo koobay Xildhibaan Cali Mareexaan oo ka tirsan Xildhibaanada Muxaafidka KULMIYE.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *