Xaflad loogu dabaal-degay sanad guuradii 30-aad ee aasaaskii SNM oo lagu qabtay Berbera

Berbera (Foore) Jimciyadda Mujaahidiinta SOOYAAL ee magaalada Berbera ayaa maanta xaruntooda ma ku qabtay munaasibad lagu xusayay sanad guuradii 30-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii dhaqdhaaqii ururkii hormuudka u ahaa dib u xoraynta Somaliland ee SNM, oo lagaga dhawaaqay magaaladda London 6- April 1981-kii.
Munaasibadan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, ayaa waxaa ka soo qaybgalay guddoomiyaha Jimciyad SOOYAAL ee Gobolka Saaxil Mujaahid Kayse Ciise Saleebaan, Guddoomiye Xigeenka Jimciyada SOOYAAL Gobolka Saaxil iyo Mujaahidiinta Jimciyadaasi.

Guddoomiyaha Jimciyada SOOYAAL Gobolka Saaxil oo Munaasibadaas hadal ka jeediyay ayaa ka waramay taariikhda iyo hadafkii uu lahaa ururka SNM, waxaana sheegay inay ahayd xoreynta dalka Jamhuuriyada Somaliland iyo sidii taliskii Afweyne ay ugu tuuri lahaayeen, taasi oo ay xaqiijiyeen himiladii 1991, ka dib markii lagu dhawaaqay gooni isku taaga iyo madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland halgan qadhaadh ka dib.
Guddoomiyaha Jimciyada SOOYAAL Gobolka Saaxil waxaa hadalkii ku bilaabay, “laba maalmood ayay xusna maalin waa 17 October 1984, waa maalinta xuska shihaadada, manta (shalay) waa 6 Abril 1981 waa maalintii lagu dhawaaqay ururka SNM aasaaskiisa “ayuu yidhi Mujaahid Kayse.

Waxaa kale oo hadlay munaasibadaa Guddoomiyaha xigeenka iyo Xoghayaha Jimciyada SOOYAAL ee Gobolka Saaxil oo dhammaantoodba ka waramay aasaaskii dhaqdhaqaaqii ururka SNM iyo qiimaha uu ugu fadhiyo dadka dalka Somaliland iyo sida ay lagama maarmaanka ay u tahay in dadku maskaxda ku hayo halgankaasi dagaalyahanadii SNM ay u soo mareen dadka iyo dalkan Jamhuuriyada Somaliland.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *