BREAKING NEWS
Search

“Xaashe Berberi May Ahayn Meel La Dhaafsado 15 Milyan Oo Xaqul Qalin Ah Iyo Booqashooyinka Raaxada Ee Dubai Madaxdeenu Ku Tagto”C/Kariim A. Mooge

Berbara, Salaasa, 12 September 2017, (Foore)- Siyaaysi Cabdikariim Axmed Mooge, Wasiir ku xigeenkii Hore ee wasaarada qorshaynta qaranka Somaliland ayaa sharxaad ka bixiyey xaalada ka tagaan dekeda magaalada berbera ee ay gacanta ku hayso shirkada Dp- world, waxaanu dhaliilay go,aankii xukuumadda Somaliland ku wareejisay dekeda berbera isagaa oo ku Tilmaamay mid dano gaar ah la dhaafsaday.
Cabdikariin Axmed Mooge ayaa sidan ku sheegay qoraal kooban oo usoo dhigey bartiisa uu kala xidhiidho bulshada ee Faceboo-ga  waxaana uu Yidhi sida tan “Berberi waxay ku talaa meel jugraafi ahaan istaraaji u ah aduunka, Gumeystihii Ingiriiskuna waxa uu aqoonsaday muhiimada ay Berberi leedahay 1881-kii. Xaashe Berberi may ahayn meel la dhaafsado 15 milyan oo xaqul qalin ah iyo booqashooyinka raaxada ee Dubai madaxdeenu ku tagto!!.
Sidoo kale siyaaysi Cabdikariin Axmed Mooge waxaa uu sheegay inuu aad uga xun yahay dhibaatada maanta ka tagaan dekeda magaalada berbera waxaana markale hadaladiisi kamid ahaa “  Inkastoon ahaa dadkii aad uga qaliyay ugana digay in aan heshiiskan Dubai World dhali doonin miro la mahadiyo.Cawana waxaan ka xumahay in aanay Somaliland awood dhaqaale iyo mid sharcitoona u lahayn in ay heshiiskan ka baxdo. haday cidi xidhay dekeda Berbera, waa kuwii soo saxeexay heshiiskan iyaga oo aan ilaalinayn danaha ummadan ee dantii dhaafsadey xoogaaga yar ee lagu yeedhay xaqul qalinka!!,  Wuxuu yidhi Abwaan Cabdullahi Suldaan “Timacadde” anuunbaa wareersane khalgigan wax uma muuqdaane, Dad wanaagi laga maydhay baan waani leeyahaye “ ayuu Yidhi Cabdikariim Axmed Mooge, Wasiirku xigeenki Hore ee wasaarada qorshaynta qaranka Somaliland.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *