Search

“Xaalka Baashe Waxa Uu Ahaa -KU QABSO KU QADI MAYSIDE-, Bal Ku Qabsaye Maxaa Isagii Ka Qabsaday, Allaylahe Cirro Goolkaasi Waa Dhaliyey”

“La Isma Xaasido’e Allaylehe Guddoomiye Cirro Goolkaasi Wuu Dhaliyey……Waxa La Isku Haystaa Haamaha Wareejiya Iyo …..”….. Guddoomiye ku xigeenka 3aad ee UCID.

Hargeysa (Foore)- Guddoomiye ku xigeenka 3aad ee xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Muj. Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa dareenkiisa ka dhiibtay sida uu u arko gacan ka hadalkii darraad Sabtidii ka dhacay Fadhigii Aqalka Wakiilada Somaliland, kaasi oo ay isku gacan qaadeen Guddoomiyaha iyo Ku xigeenka Golahaasi Mudane Cabdiraxmaan Cirro iyo Mudane Baashe Maxamed Faarax.
Guddoomiye ku xigeenka 3aad ee Xisbiga UCID Muj. Cali Guray waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay qaabkii uu u dhaqmay Guddoomiye ku xigeenka Golaha Wakiiladu Md. Baashe Maxamed Faarax, isaga oo Cali Guray falkii Baashe Maxamed Faarax ku tilmaamay mid ahaa KU QABSO KU QADI MAYSE halka uu hambalyeeyey falkii uu dhacdadaasi ku wajahay Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro.
Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), Guddoomiye ku xigeenka 3aad ee Xisbiga UCID waxa uu sheegay in Baashe Maxamed Faarax laga soo adeegsaday dhinaca aqalka Madaxtooyada Somaliland oo uu ku eedeeyey in ay dabada ka wadeen Xildhibaanadii dib u soo celiyey mooshinka Haamaha Shidaalka oo uu wareejintooda ku tilmaamay arrin xaaraan ah oo aan umadda danteeda ahayn isaga oo dhinaca kale sheegay in Guddoomiyeha Wakiiladu gool ka dhaliyey Xildhibaanada iyo dawladdii dabada ka waddayba sida uu hadalka u dhigay.
Guddoomiye ku Xigeenka saddexaad ee UCID waxa uu sidaa ku sheegay qoraal kooban oo uu ku faafiyay barta uu ku leeyahay mareegta xidhiidhka bulshada ee Facebook, qoraalkaasi koobnaa ayaa u dhignaa sidan: “Fadhi uu Guddoomiyhii Goluhu xaadir yahay oo isaga laftiisii guddoominayo bal waxa ku xigeen Weerar toos ah ugu qaaday waa maxay?. Dee waa calooshii u shaqayste la soo isticmaalay oo la yidhi KU QABSO KU QADI MAYSIDE. Balse ku qabsay ee maxaa ka qabsaday? Allay lehe wuu ku qaday biidhi qaatihii. Waxa ka daran waxa la isku dilay HAAMAHA WAA LA FAASAXAYAA IYO LA FAASIXI MAAYO. Goolkaasi, la isma xaasido eh, Cabdiraxmaan Cirro si xarago leh ayuu u dhaliyay” ayuu qoraalkiisa ku yidhi Guddoomiye ku xigeenka 3aad ee UCID.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *