Wiilkii Sannadkii Hore Loo Qoonsaday Caruuska Adduunka Ugu Da’da Yar Oo Ilmo Yari Ugu Dhashay Cisbitaal Dalka Sucuudiga Ku Yaalla

Tabuk, October 28, 2017, (Foore)- Wiilkii sannadkii hore loo aqoonsaday Caruuskii ugu da’da yaraa in muddo ah taariikhda dalalka Carabta oo lagu magacaabo Cali Maxamed Al-qaysi oo da’diisu ahayd 16-jir, wakhtigaana arooskiisu ka dhacay waddanka Boqortooyada Sucuudiga gaar ahaan Magaalada Tabuuk ayaa waxa la xaqiijiyey in uu toddobaadkan u dhashay ilmo yari kaasi oo sidaa ku noqonaya aabihi ugu da’da yaraa dalkaasi Sucuudiga iyo guud ahaan caalamka in muddo ah sida uu ku soo warramayo wargeyska caanka ah ee Al-Xayaat ee ka soo baxa caasimadda Ingiriiska ee London oo warbixintan wax ka qoray, wargeyska Foorena idiinka soo turjumay.
Sida uu saxaafadda u xaqiijiyey aabaha dhalay wiilkan yar ee aabbaha noqday oo lagu magacaabo Maxamed Alqaysi ayaa sheegay in inankiisii badhtamihii sannadkii hore loo guuriyey ee arooskiisa saxaafadda dunidu wax badan ka baahisay uu ilmo yari ugu dhashay Cisbitaalka guud ee Magaalada Tabuuk kaasi oo ay isaga iyo hooyadiiba caafimaad qabaan.

Cali Maxamed Al-qaysi oo 16-jir ah oo sannadkan ku jira fasalka koowaad ee dugsiga sare ayaa sannadkii hore ee 2016 Bishiisii April waxa uu ku aqal galay Magaalada Tabuuk isaga oo noqday caruuskii ugu da’da yaraa ee taariikhda dalkaasi laga diiwaan geliyo isaga oo dalalka carabta iyo guud ahaan dunidaba wakhtigaasi si weyn xafladda arooskiisa warbaahinta looga sheegay waxaanu imika mar kale warkiisu qabsanayaa baraha bulshadu ku xidhiidho iyo warbaahinta oo warinaysa ilmaha koowaad ee u dhashay Cali Al-qaysi oo ah wiil yar. Wargeyska Alxayaat ee ka soo baxa London oo warbixin ka diyaariyey aabbahan da’da yar ee ilmuhu u dhashay ayaa sheegay in mar kale dadka jaarkiisa ah, macalimiintiisa dugsiga, saaxiibadiisa dugsiga iyo qaraabada labada dhinac ay soo buux dhaafiyeen Cisbitaalka Mustashfaa Al-tabuuk oo wiil yari ugu dhashay Cali Al-qaysi si ay ugu hambalyeeyaan kuwaasi oo ahaa kuwii isla xafladdii arooskiisa sannadkii hore soo buux dhaafiyey ee u la dabbaal degayay.
“Maamulaha dugsiga uu dhigto oo hogaaminaya macalimiintiisii iyo ardaydii ay isku dugsiga ahaayeen oo tiro badan ayaa cisbitaalka soo booqday si ay ugu duceeyaan uguna muujiyaan sida ay ugu faraxsan yihiin. waxa xusid mudan in maamulahaasi uu ahaa ninkii imtixaanaadka hal wiig dib ugu dhigay wakhtigii uu Cali Al-qaysi aqal galayay maadaama ay maalmahaasi arooskiisa ku beegnayd imtixaanka teeramka yar ee dugsiga. Waxa ay u muujinayaan farxad iyo hambalyo dheeraad ah waxaana si weyn arrinkan u baahinaya warbaahinta Sucuudiga iyo guud ahaan kuwa carabta iyo waliba xataa kuwa caalamiga ah maadaama dad badan oo adduunka ku nooli aad ula yaabban yihiin wiilkan yar ee 16-jirka ah ee aabbaha noqday kaasi oo isaga oo 15 jir ahaa guursaday” sidaa waxa wargeyska Al-xayaat u sheegay aabbaha dhalay wiilkan oo lagu magacaabo Maxamed Al-qaysi oo noqonaya awawga wiilka yar ee dhashay.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *