BREAKING NEWS
Search

Wiilka Uu Soddoga U Yahay Madaxweynihii Hore Ee JSL Oo Shirkad Gaar Ah U Diiwaan Gashaday Mashaariicdii Uu Ka Dillaali Jiray Berbera, Magaca Shirkadda Iyo Wasiir Sacad Oo Kula Qoran!

Dubai, February 10, 2018- (Foore)- Safiirka Somaliland u fadhiya waddanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Md. Baashe Cawil Cumar oo ah Wiilka uu soddoga u ahaa Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa war-saxaafadeed uu Khamiistii soo saaray kuna baahiyey Degelka uu ku leeyahay Facebook-giisa waxa uu ku sheegay in shirkad lagu magacaabo ‘Somaliland Investment Company’ uu ka diiwaan geliyey dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, diiwaan gelinteeduna waafaqsan tahay shuruucda waddanka Ingiriiska sida uu sheegay.
Safiir Baashe ayaan kala caddayn in shirkaddani isaga gaar u tahay iyo in kale inkasta oo qoraal kale oo Af-ingiriisi ku qoran oo faahfaahinaya shirkaddan uu soo dhigay Facebook-giisa uu ku sheegay in Sheer-holderkeeda uu ku calaamadiyey Wasaaradda Maaliyadda sidoo kalena Masuuliyinta shirkaddan uu ku kala sheegay isaga oo ah Baashe Cawil iyo Wasiirka Maaliyadda Somaliland Sacad cali Shire, halka uu Xoghayaha shirkaddan ku sheegay Cabdiraxmaan Xasan Cabdilaahi.
Dad badan oo qoraalkan faalleeyey ayaa fahmi waayay ujeedada dhabta ah ee kambanigaasi uu Safiirku ku sheegay mid faa’iido weyn u leh Somaliland halka dad kale oo la socda Arrimaha Baashe Cawil sheegeen in kambanigaasi isagu leeyahay.
War-saxaafadeedka Safiir Baashe ku sheegay arrinkan ayaa u dhignaa sidan: “Maanta oo taariikhdu tahay 8 February, 2018- waxa sharaf weyn u ah dalka iyo dadka reer Somaliland in diiwaangalin sharci ah loo sameeyay Shirkada maal-gashiga Somaliland (Somaliland Investment Company), iyadoo laga diiwaan-galiyay Sayladda Suuqa Dhaqaalaha Caalamiga ah ee Dubai (Dubai International Financial Center DIFC).
Diiwaangalinta oo waafaqsan shuruucda ganacsiga ee Boqortooyada Ingiriiska. Shirkadani waxay indhaha caalamka kusoo jeedin doontaa maal-gashiga Jamhuuriyada Somaliland, waxaanay meesha ka saari doontaa caqabadihii horyaallay maal-gashiga dalka, isla markaana waxay fududeyn doonta galista heshiisyada maal-gashiga iyo ganacsiga ka dhexeeya Somaliland iyo caalamka intiisa kale. Sidoo kale waxay sahli doontaa shirkadani hawlaha bangiyada la macaamilkooda caalamiga ah, maal-gashiga gaarka ah iyo ka saamiyleydaba. Waxaana fududeyn doontaa hawlaha xisaab furashada akoonadda, dekadda Berbera iyo free zone-ba
Waana Illaahay mahadii in ay caqabado badan oo aqoonsi la’aantu keenaysay oo dhinaca ganacsiga iyo maalgashigu meesha ka bixi doonaan, taasi oo wax weyn ka tari doonta kobaca iyo horumarka dhaqaalaha dalka Jamhuuriyada Somaliland.
Allaah Mahad leh
Bashe Awil Omar
Safiirka Somaliland ee UAE”
Qoraalka kale ee Af-ingiriisida ku qoran ee uu safiirku soo dhigay ayaa muujinaya in sheerka Noormalka ah ee shirkaddani yahay hal Milyan oo Dollar halka Qiimaha Kabitalka sheerka shirkadda uu ku sheegay 5-Milyan oo dollar.
Mudane Baashe Cawil Cumar oo ka mid ahaa dadka sida weyn awoodda ugu lahaa xukuumaddii uu gadh-wadeenka ka ahaa Madaxweyne Siilaanyo ayaa waxa uu muddoba ku guda jiray hawlo dillaalnimo ah oo uu wax badan kaga dheefay wareejintii Dekedda Berbera, Saldhigga Ciidamada Imaaraadka ee Berbera iyo mashaariic hoose oo kuwaasi ku lammaanaa walina waxa uu u muuqdaa mid u soo weel culanaya sidii uu uga faa’iidaysan lahaa mashaariicdaasi waxaana cad in kambaniga ka mid yahay weel uu mashaariicdaasi u samaysanayo.

Halkan Ka Eeg Lingaxa Ingiriisida ah ee Faahfaahinta Kambanigan:
https://www.difc.ae/public-register/somaliland-investment-company-limited




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *