Search

Wiil Uu Dhalay Marxuum Cawke Oo Buuxiyey Shaqadii Aabbihii Ka Hayey Telefishanka Qaranka

Hargeysa (Foore)- Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo wacyi galinta Somaliland Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse oo ay weheliyaan Wasiirka Wasarasada Ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah, Mulkiilaha Horn Cable Tv iyo masuuliyiin kale ayaa shalay si wada jir ah u qaabilay caruurtii uu dhalay Marxuun Wariye Axmed Xasan Cawke, oo dalka u yimid geeridii aabahooda oo dhawaan lagu aasay Magaalada Wajaale.
Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse, Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo munaasabada qaabilaadda kula hadlay saxaafadda waxa uu caddeeyey in booskii shaqo ee marxuumku ka hayey TV-ga Qaranka lagu wareejiyey mid ka mid ah caruurta uu dhalay, taasoo uu sheegay inay qayb ka noqon doonto xusuusta aan marnaba go’i doonin ee warfaafinta Somaliland u hayso Marxuum Wariye Axmed Xasan Cawke.
Sakariye Axmed Xasan Cawke oo ah wiil uu dhalay Wariyaheenii caanka ahaa ee Axmed Xasan Cawke ayaa dhawaan ka soo dhex muuqday Telefishanka Somali Cable oo uu soo saare ka yahay Barnaamij caruurta khuseeya kaasi oo imika si rasmi ah uga hawl gali doona Telefishanka qaranka Somaliland xaruntiisa magaalada London. Sakariye Axmed Xasan Cawke, hooyadii iyo caruur ay walaalo yihiin ayaa degan London kuwaasi oo Marxuumku ka tagay.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *