Search

Wiil Uu Dhalay Cusaama Oo Soo Diray Cajalad Cod Ah Ammaana U Soo Jeediyey Xarakada Alshabaab

London (Foore)- Wiil uu dhalay Hogaamiyihii hore ee urur weynaha Shabakadda Alqaacida Sh. Cusaama Bin Laadin oo lagu magacaabo Xamse ayaa soo saaray Cajalad cod ah oo lagu baahiyey shabakadda Caanka ah ee Site oo ah shabakad si weyn wax uga qorta aadna ula socota arrimaha ururrada Islaamiga ah ee dunida ka hawl gala, codkaasi oo uu baaq ugu soo jeediyey Dhallinyarada Islaamku meel kasta oo ay dunida ka joogaan isaga oo ugu baaqay in ay meel kasta iyo goor kasta kula dagaalamaan wax uu ugu yeedhay Khanaasiirta Ilaahay Nacay oo uu ku sheegay dalalka Maraykanka, Israel, Faransiiska iyo Ingiriiska kuwaasi oo uu ku sheegay in ay adduunkii kharribeen loona baahan yahay in sharkooda laga xoreeyo dunida sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wiilkani waxa uu ammaan u soo jeediyey xarakada Alshabaab oo uu ku tilmaamay in ay jihad culus ka waddo Soomaaliya oo uu ku sheegay walaal islaam ah oo dhibaato ka haysato gaalo madmadaw sida uu hadalka u dhigay.
Cajaladan Codka ah oo saacadihii la soo dhaafay lagu qaadaa dhigay aadna loogu baahiyey baraha bulshada ee Internetka ayaa waxa uu Xasma ugu magac daray “Farriin Salaan iyo Guubaabo ah oo ka timid islaam kuna socota islaam” isaga oo farriinta ay cajaladaasixambaarsanayd ku caddeeyey baaq uu umadda islaamka ah u jeedinayo gaar ahaan isaga oo ula hadlay dhallinyarada sheegayna in la gaadhay wakhtigii halganka la midayn lahaa.
Cajaladan Codka ah ee uu soo duubay wiilka uu dhalay Cusaama Bin Laadin ayaa sidoo kale waxa uu kaga hadlay Mubaayaco uu ku baaqay in lagu adeeco oo lala galo Hogaamiyaha cusub ee Daalibaan isaga oo ku baaqay in dhammaan jihaadka laga wado dunida la mideeyo isaga oo sidoo kale ammaan u soo jeediyey Laanta Alqaacida ee dalalka Khaliijka Carabta oo uu ku sheegay in ay bilihii ugu dambeeyey hawlgallo culus oo muhiima ah qaadeen.
Xamse Cusaama Bin Laadin ayaa dalalka Faransiiska, Ingiriiska, Maraykanka iyo Yuhuudda ku sifeeyey Yey ama Khanaasiir mudan in laga sifeeyo dhulka islaamka isaga oo ku baaqay in jihaadka siyaalaha kala duwan uga socda dunida sida uu ku dooday in la mideeyo oo la quweeyo xarakada weyn ee Alqaacida. Sidii kale wiilka Cusaama dhalay waxa uu ku baaqay in la garab joogsado Eyman Al Dawaahiri oo xilka hogaaminta Alqaacida uga dambeeyey aabihii isaga oo sheegay in la xoojiyo halganka ka socda dalalka Ciraaq, Suuriya, Falastiin iyo goobo kale oo uu xusay sida Soomaaliya, Shiishaan, Hindiya iyo Indonesia. Isaga oo ammaanay jihaadka Suuriya.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *