BREAKING NEWS
Search

Wiil Soomaaliyeed Oo Habeenkii Isniinta Lagu Toogtay Magaalada London

Hargaysa (Foore)- war aanu ka helnay magaalada london ayaa sheegaya Wiil Sooomaali ah oo 19 jir ah ayaa habeenkii Isniinta lagu dilay xaafadda Edmonton ee waqooyiga magaalada London, kaas oo lagu magacaabi jiray Maxamed Xuseen.
Sida ay warraku sheegayan wiilkaan ayaa laga qaaday waddada Bounces isagoo meyd ah kaddib markii xabbad ay uga dhacday xabadka.
Baaritaan ayaa lagu ogaaday in sababta dhimashadiisa ay keentay xabbad uga dhacday laabta ilaa haddana lama garanayo cidda toogatay iyo sababta loo toogtay toona.
Sidoo kale ma jirto cid loo xiray. Booliska ayaa ka codsaday dadkii ka ag dhowaa goobta uu falka ka dhacay inay la soo xiriiraan booliska.
Gabar lagu magacaabo Albertine Nzeyimana oo ku nool meel u dhow halka uu falku ka dhacay ayaa sheegtay inay maqashay dhawaqa labo xabbadood iyadoo dhex fadhisa qolkeeda.
Kaddibna waxay aragtay qof dhiig-baxaya oo yaalla waddada.
Waxay sheegtay inay ka xun tahay geerida Maxamed Xuseen. Waxay tiri: “Waxaan ogahay in qof aniga oo kale uu ka ilmeynayo geeridiiisa, hooyo ilmaheeda uu ka dhintay ayaa ilmeyneysa.

Wariye Kamaal Sh Ismail
Foorenews.com




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *