Wiil Sabab Layaab Leh U Noqday In Walaashiis La furo Wax Yar Uun Kadib Markii la Mehriyay !!!

Wargeysyada kasoo baxa Boqortooyada Sucuudi Carabiya qaarkood ayaa wax ka qoray dhacdo layaab keh oo ka dhax dhacday Lamaane nolosha wadaagay, balse hadana kala tagay saacado yar kadib markii uu meherkooda dhacay.
Lamaane Jaceyl isku guursaday in mudo ahna wada socday ayaa markii la isku mehriyay labo saac kadib hadana kala tagay, waxaana furiinkaasi la sheegay in uu sabab u noqday wiil la dhashay gabadha caruusada aheed.
Ninka Arooska ayaa sheegay in uu furay xaaskiisa kadib markii uu ku eedeeyay in ay ka baxday balan ay horey u wada galeyn, lamaanahan ayaana horey ugu balamay in Qoysaskooda Sawirada arooskooda aysan ku baahin baraha bulshada kuwada xariirto Sida Facebook, Twiter , Snapchat iyo baraha kale ee lagu xariiro.
Wiil la dhashay gabdhaha la guursaday ayaa la sheegay in uu jabiyay balankii ay lamaanaha horey u wada galeyn, waxa uuna sawirada arooska ku baahiyay baraha bulshada taa oo soo dedejisay in lamaanaha labo saac kadib maherkooda ay kala tagaan.
Wargeyska sheekadan qoray ayaa tilmaamay in Ninka Arooska ay ku balameyn kahor arooskooda in ay kala tagayaan hadii Sawirada iyo muuqaalka arooskooda lagu baahiyo baraha bulshada gaar ahaan hadii labada Qoys ay kasoo kala jeedaan ay baahiyana Sawirada.
Qoyska gabadha la furay ayaa aad uga carooday ficilka uu ku kacay ninka arooska ee deg dega ku furay gabadhooda, waxa ayna ku tilmaameen heshiiska ay horey lamaanahan u galeyn uu ahaa mid qalad ah oon cadaalad aheyn.
Dhinaca kale Qoyska uu kasoo jeedo wiilka gabadha aroosada aheeyd furay ayaa iyagana ku doodaya in uu xaq u leeyahay wiilkooda in uu buuxiyo foomka furiinka, waxa ayna sheegeen in balan ay labadaba galeyn ay dhankooda ka jabtay.
Shzekadan ayaa noqotay mid si weyn looga hadal hayo boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo baraha ay bulshada kuwada xariiraan, waxaana dhacdadan siyaabo kala duwan uga war celiyay dadkii maqlay ama goob jooga u ahaa.
Xafladaha Meherada iyo Aroosyada ayaa waxaa inta badan waqtiyadii u danbeeyay la soo dhigaa baraha bulshadu ku xidhiidho taina waxa ay noqoto mid bbulshada aad uga yaabisa maadaama ay sabab u noqotay burburka qoyskaa cusubi.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *