BREAKING NEWS
Search

Weftigii Xukuumadda Oo Kulamo La Yeeshay Wasiirro Ka Tirsan Dawladda Imaaraadka Carabta

Hargeysa (Foore)- Weftigii Wasiirrada Arrimaha dibadda Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo weftigii uu Hoggaaminayay ayaa shalay kulamo kala duwan la yeeshay Wasiirul dawlaha wasaaradda Arrimaha dibadda Imaaraadka carabta Dr. Anwar Maxamed Gargash iyo Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha dibadda u qaabilsan dhinaca arrimaha ciidammadda.

Weftigan waxa xubno ka ah Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Md. Xuseen Cabdi Ducaale (Xuseen Guray) iyo Maareeyaha dekadda Berbera Eng. Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor Xoor), waxa kulamadaasi ay masuuliyiinta labada wadan kaga wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga labada wadan ee Somaliland iyo Imaaraadka Carabta, gaar ahaan Horumarinta iyo casriyaynta dekadda Berbera.

Waxa kale oo ay masuuliyiinta labada dawladood ee Somaliland Iyo Imaaraadka carabtu ay kulamadoodaasi ku faaqideen sidii Ganacsatadda wadanka UAE ay ugu soo dhiiran lahaayeen sidii ay u maal-gashan lahaayeen Somaliland gaar ahaan casriyaynta iyo balaadhinta dekadda Berbera.

Weftigan ka socday xukuumadda Somaliland waxay Wasiirrada ay la kulmeen uga mahad celiyeen sida diiran ee loogu soo dhaweeyay dalkaasi iyo sida dawladda Imaaraadku u danaynayso inay Somaliland iskaashi dhinacyo badan leh la yeelato.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *