BREAKING NEWS
Search

Wefti Xukuumadu u xil saartay shaqaaqo ka dhacday Gobolka Sanaag oo gaadhay Ceerigaabo

November 4th, 2011 Comments Off

Hargeysa (Foorenews)-Wefti Xukuumada Somaliland u xil saartay soo afjarida khilaaf sababay isku dhac laba beelood oo walaalo ah oo wada dega gobolka sanaag ayaa maanta gaadhay magaalada Ceerigaabo.

Weftigan waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay duleedka magaalada Ceerigaabo mas’uuliyiinta heer gobol mid degmo, Salaadiin ,Culimaa-udiin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Weftigan waxa hogaaminaya Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Somaliland Md.Maxamed Nuur Caraale “Duur” waxaana wehelinaya Wasiirada Warfaafinta Md.Axmed Cabdi Xaabsade ,Qoyska iyo arrimaha bulshada Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac , Ergayga M.weynaha ee Arrimaha Sanaag Bari Mr.Sahal Axmed Jaamac Iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland Maxamed Jaamac Cabdi .

Wasiirka Wasaarada Arrimaha gudaha ee Somaliland Md.Maxamed Nuur Caraale (Duur) oo warfidiyeenada uga waramayay ujeedada socdaalkooda ayaa ku tilmaamay sidii ay qayb muuqata uga qaadan lahaayeen soo afjarida khilaaf gacan ka hadal wata oo ku dhex maray magaalada Ceerigaabo laba beelood oo walaalo ah kaas oo sababay mudadii uu taagnaa dhimashada Sadex nin oo laba ka mid ahi ahaayeen saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska iyo hal qof oo rayid ah .

Wasiirka arrimaha guduhu waxa uu ku booriyay shacbiga ku nool gobolka sanaag in la gaadhay xiligii uu caqligu shaqayn lahaa isla markaana wixii tabasho ah ee la kala tirsanayo loo mari lahaa dariiqa wada hadalka iyo isu tanaasulka.

Wasiirku waxa carabka ku adkeeyay xoojinta nabadgalayda iyo sidii loogu midoobi lahaa wada jirka dadweynaha.

Mudane Maxamed Nuur Caraale “Duur” wuxuu intaas ku daray in weftigoodu ay beri oo sabti ah si rasmi ah u gudo geli doonaan xalinta iyo soo afjarida khilaafkan.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *