BREAKING NEWS
Search

Wefti Ka Socda Shirkada Total Oo Dalka Soo Gaadhay, Kulana La Yeeshay Xubno Wasiiro Ah

Hargeysa (Foore) -Wefti ka socda Shiraddii Total ee dalka laga mamnuucay oo isugu jira Masuuliyiin ka tirsan Shirkadaasi iyo Garyaqaano Caalami ah ayaa shalay soo gaadhay Magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland. Warkan oo aanu ka soo xiganay shabakadda wararka ee Gabileynews waxa uu intaasi ku darayaa in waftiga Total ka socday shir aan la shaacin waxa ay ka wada hadleen ay la yeesheen madaxweynaha Somaliland.

Shirkada Total oo Bishii May ay Xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Siillanyo hogaamiyaa kala noqotay ruqsadii Ganacsi ee ay dalka kaga hawl gali jirtay ee ay ku keeni jirtay shidaalka, isla markaana lagala wareegay waxyaabihii ay ku hawl gali jirtay ayaa waxa ay Shirkaddu muddoba hawlanayd sidii ay Dacwad ugu soo oogi lahayd Xukuumadda Somaliland oo ay sheegeen in ay si aan habboonayn ula dhaqantay Heshiiskii labada dhinac ka dhaxeeyeyna sidaa ku jabiyeen.

Weftigan ka socda Shirkada Total oo ahaa Wefti ka soo kicitimay wadanka Faransiiska oo ay ku jireen khubarradii shirkadda Total iyo Qareeno Caalami ah, isla markaana uu Hogaaminayey Maamulihii Shirkada Total ka hor intii aan dalka laga saarin Md. Sacad Cilmi Jibriil, kuwaasi oo shalayba Qasriga Madaxtooyada kula kulmay Madaxwaynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Weftigan ayaa la sheegay in ay wateen Diyaarad khaas ah, iyada oo ay Shabakadda ilo xog ogaal ahi u xaqiijiyeen in ay Madaxweynaha kala hadleen Heshiiskii ay Xukuumaddu burisay ee shirkadda Total, iyo hannaankii Dalka looga saaray iyo Qodobo kale.
Ma jiro war rasmi ah oo dhinaca Xukuumadda ka soo baxay oo ku saabsan waxyaabihii kulankaasi lagaga wada hadlay




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *