BREAKING NEWS
Search

Weerar Bambo-gacmeed oo caawa lagu weeraray Guriga Maayarka cusub ee Laascaanood

Laascaanood (Foore)- Koox aan la garnaynin ayaa caawa abaaro 9:00 habeenimo bamboo-gacmeed ku weeraray Guriga Maayarka cusub ee magaalada Laascaanood Faarax Cabdi Yare, sida uu noo xaqiijiyay Badhasaabka Gobolka Sool Maxamed Maxamuud Cali (Jeeniyare).

 

Badhasaabka Gobolka Sool oo khadka Telefoonka ugu waramayay shabakada Somaliland.Org, ayaa ka hadlay qaraxan, waxaanu yidhi “Caawa abaaro 9:00 habeenimo ayaa koox aan la aqoonsani ay bambo-gacmeed ku tureen Guriga maayarka cusub ee magaalada Laas-caanood. Wax khasaare ah oo balaadhanina kama uu dhicin ee nin askari ah oo ilaalada Maayarka ka mid ah ayaa filidh yari galay oo dhaawac fududi ka soo gaadhay.”

 

Badhasaabku waxa uu sheegay inaan wali cid loo qaban weerarkan, waxaanu tilmaamay in ciidanka Boolisku ay baadhis xoog leh ka wadaan magaalada “Wali cid looma qaban baadhis xoog leh ayay ciidanka Booliska iyo maamulka gobolku wadaan waxaanan filaynaa inaanu gacanta ku soo dhigi doonto. Cidii weerarkan geysatay,”ayuu yidhi Badhasaabka Gobolka Sool Maxamed Maxamuud (Jeeniyare).

 

Dhinaca kale waxa caawa qaraxan weerarkan ka dib aad loo adkeeyay ammaanka magaaladda laascaanood, waxaana ciidamaddu ay gaaf-wareegayeen xaafadaha iyo jidadka halbowlaha ah ee magaalada Laascaanood.

Maayarka cusub ee Laascaanood ee gurigiisa la weeraray ayaa xilka hayay labaatameeye maalmood oo qudha.

Xigasho.Somaliland.Org




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *