Search

Waxgarad Sheegay In La Musuqay Waxbarashada Xarunta Agoomaha Ee Madaxweyne Siilaanyo Xadhiga Ka Jaray

Hargeysa (Foore)- Waxgarad degan bariga agagaarka xarunta agoomaha ee Kuwait dhistay ayaa sheegay in xaruntaasi laga dhigay goob ganacsi, islamarkaana ilmaha miyiga jooga laga qaado lacag dhan $50 dolar, halka kuwa magaalada laga qaado 100 doolar, kuwa boodhinka ahna 200 dollar. Waxgaradkan ayaa sheegay in magaca xaruntaasi waxbarasho iyo xaqiiqada ka jirtaa kala duwan yihiin, islamarkaana aanay ahayn xarun agoomeed iyo mid danyartoona balse ay tahay xarun cidda waxka baranaysa laga qaado lacag badan. Waxay madaxweynaha Somaliland iyo xukumaddiisa la socodsiiyeen inay indho dheer u yeeshaan majaro habaabinta xaruntaasi agoomaha lagu sameeyay, si looga dhigo mid fulisa magaca lagu soo qortay iyo ujeedka loo hirgaliyay.

Halkan Ka Daawo Warkan Oo Muuqaal Ah:




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *