Search

“Waxaan La Hadlayaa Saaxiibaday, Nac Nac, Bukhaari Iyo Cali Gabiley,Waxaan Leeyahay Taasi Xasan Cawaale Lagu Sameeyay Ayaa Idinkana Idiin Taala”Siciid Cilmi Rooble

Hargeysa (Foore)- Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Oo Ka Mid Ah Xildhibaanada Aqalka Golaha Wakiilada Somaliland Ayaa Uu Ka Hadley Dhawaac Ay darraad Ciidanka Ilaalada Madaxtooyadu Ay U Geyteen Xildhibaan Xassan Cawaale Ceynaan Oo Ka Mid Ah Xildhibaanada Aqalka Golaha Wakiilada Somaliland .
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Oo Wareysi Siiyey Star Tv Ayaa Waxaa Uu Sheegay Hadii Arintaasi Ay Xukuumada Somaliland 24 Sacadood Wax Uga Qaban Weydo In Marka Golaha Wakiilada La Furo Fadhiyadiisa Caadiga Ah Ay Mooshin Ka Keenin Doonan Xukuumada Uu Hogaaminaayo Madaxweyne Siilanyo Isaga Oo Amuurtani Ka Hadlayana Waxaa Uu Yidhi “ Arinkaas Fool Xumadiisa Iyo Cawaaqib Xumada Uu Leeyahay Awgeed Baa Igu Kaliftey In Aan Halkan Ka Hadlo Waxaanan Idiin Sheegaayaa Horta Marka Hore Dawlad Nimadeenu Wey Baabadey Qaranimadeenina Toos Baa Loo Baabiiyey Kun Wax Oo Qaldan Baa Jira Tana Waa Ka Mid, Foodada Wadankan La Galiyey Waa Ka Mid , Musuq Maasuqa La Caadeystey Waa Ka Mid , Dhulkan La Wada Boobaayo Waa Ka Mid , Lahaan Shiyahan Gaar Ahaaneed Ee Qos Nimo Waa Ka Mid , Waxanan Ku Hadlayaa Caawa Afkii Gudoomiyaha Gudida Cadaalada Iyo Garsoorka Iyo Xuququl Iinsaanka Ee Golaha Wakiilada .
Waxaan Leeyahay Hadii 24 Saacadood Lagu Soo Xidhi Waayo Cidii Falkaas Geysatey Hadii Ay Min Taliye Tahay ,Hadey Tahay Nin Askari Ah Iyo Hadii Ay Tahay Cid Kasta Oo Talo Arintaasi Ku Laheyd Waxaan Balan Ku Qaadayaa Golahaas Maalinta La Furo In Madaxweynaha Iyo Xukuumadiisa Taagta Daran Ee Awooda La,a Ee Aan Shaqeyneen In Aanu Mooshin Ka Soo Dhigno Ayaan Bal Ku Qaadayaa “ Ayuu Yidhi Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble. Sidoo Kale Isaga Oo Hadalkiisa Sii Wata Ayaa Waxaa Uu Ku Sii Daray “ Xasanow Adaan Kula Hadlayaaye Adaa Halkaas Maanta Is Dhigey Imiseynu Wada Hadlney 42 Xildhibaan Hadii Aynu Banaankaas U Baxno Walahi Dalkaasi Waa Uu Bad Baadi Lahaa Oo Abu Dubai Dan Kiishka Loo Toshey Baa Bad Baadi Lahey “Ayuu Yidhi
Gabo Gabadii Xildhibaanku Waxaa Uu Fariin Culus U Direy Xildhibaanada Xisbiga Kulmiye Ee Ku Jira Mudanayaasha Golaha Wakiilada Waxana Uu Yidhi “ Waxaanan La Hadlayaa 50 Kaas Nin Waxaan Leeyahay Halkaas Xasan La Dhigey Baa Idinkana Idiin Danbeysa Waaxan Leeyahay Nac Nacoow , Cali Gabiilayoow Iyo Bukhaarow Halkaas Baa Idiin Danbeyn Doonta “ Ayuu Ku Soo Koobay Hadalkiisi XIldhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland. .




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *