Waxaan Diyaar U Ahay In Aan Kursiga Banneeyo Hadii Danta Qaranku Ku Jirto” M/Xigeenka Somaliland

Hargeysa (Foore)- Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa shacabka reer Sool ugu baaqay in hadii ay ku bogsanayaan oo ay taasi wax ka tarayso tabashadooda uu diyaar u yahay in uu kursiga uu xukuumadda ka hayo uga tanaasulayo si loo ilaaliyo danta caamka ah ee qaranka Somaliland.

Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Islaaciil (Saylici) waxa uu sidaa ku sheegay khudbadii uu shalay ka jeediyay fagaaraha beerta xorriyadda oo uu kula hadlayay kumanaan kun oo qof oo ka mid ah shacabka ku nool caasimadda Somaliland ee Hargeysa oo isugu soo baxay bannaan bax lagu muujinayo adkaynta nabad gelyada qaranka iyo is barbar taaga sugidda xuduudadaha Somaliland. Bannaan baxaasi oo kuwo la mid ahi shalay sidoo kale gilgileen magaalooyinka Gabiley, Burco iyo magaalooyin kale oo Somaliland ka tirsan.

Md. Saylici, madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo halkaasi ka jeediyay khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysay ayaa ku dhawaaqay inuu diyaar u yahay inuu kursigiisa uga tanaasulo beesha gobolka Sool ee ku dhawaaqday Maamul goboleedka haddii ay ku bogsanayaan “Haddii danta Qaranku ku jirto oo reer Sool ku bogsanayaan kursigayga anigaa ka kacaya, laakiin waxaan ku dhaaranayaa inaan midnimada Somaliland aanay wiiqmayn haddii wax kasta la isku dayo.”ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Saylici waxa uu sheegay in aan cidnaba looga tanaasuli doonin qaranimada Somaliland oo uu ku tilmaamay mid muqadas ah oo aanay dhawr qof oo meel ku shiray waxba ka qaadi karayn balse shacabka gobolka Sool looga baahan yahay in ay tabashadooda ku sheegaan gogosha nabadda ee aanu fidinay oo wali fidsan. “Wali gogoshii aanu fidinay way taallaa. Madaxweynaha Somaliland iyo guud ahaan xukuumaddayadu waxa ay diyaar u tahay in ay madaxdhaqameedka iyo wax garadka Dhulbahante hor fadhiisato oo la is qanciyo balse nabad gelyada Somaliland ilaalinteeda cidna u daba fadhiisan mayno mana yeelayno in shacabka lagu soo duulo oo dab lagu dhex tuuro” ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenka Somaliland.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *