BREAKING NEWS
Search

“Waxaan Aaminsanahay, Nin Wal Oo Madaxweyne Dalka Ka Soo Noqday Inuu Doonayo Inuu Dalkan Ka Saaro Qabyaaladda, Aniguna Wadadeedii Waan Hayaa.”…..Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi

Hargeysa, April 12, 2018- (Foore)- Madaxweynaha Jamhuuriyaddda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa si qoto dheer uga hadlay qorshaha Xukuumaddiisa uga meel yaala la dagaalanka Qabyaalada, sida uu u dareensan yahay heerka ay ka taagan Dalkeena iyo illaha uu aaminsan yahay inay qabyaalada kobcinayaan,waxa uu sidoo kale ka hadlay wax yaabaha sabab u ah saska ay mar walba ka qabaan Madaxda Mucaaridku iyo waxa ay uga sii faaganayaan isaga oo isaguna talo-Wadaag ugu baaqaya,waxaana uu sheegay inuu Dawladiisa ku wado Talo wadaag islamarkaana uu hayo dhabihii uu Qabyaalada uga saari lahaa Dalka iyo Dadka Somaliland.
Madaxweyne Muuse Biixi ayaa arimahan kaga hadlay Waraysi khaas ah oo uu siiyay Wariye Cabdisalaan Hereri oo ka tirsan Telefishanka Caalamiga ah ee Universal,Waxaana uu yidhi isagoo arimaha Qabyaaladda ka hadlaya sidan“Waxaan aaminsanahay,nin wal oo Madaxweyne Dalka ka soo noqday ama Siyaasi dalka soo hogaamiyay inuu Doonayo inuu Dalka ka saaro Qabyaaladda,aniguna Wadadeedii Waan Hayaa,Waxaana jirta Waxyaalo taa wax lagaga qaban karo oo wakhti dheer qaadanaya sidii loo baabiin lahaa dhaqanka noocaasi ah,Waxaa iiga meel yaala,Waxaan waayo arag u ahay,oo aan soo darsay intaa aan siyaasada ku soo dhex jiray oo aan u sheegayaa inaan qabyaalada meel lagu gaadhayn,iyo kala qoqob naanta oo aynu u gudubno oo aynu u gudubno isku mid ahaanshaha,anigu inta aan joogana aan taasi ku dadaali doono”.
Waxa uu sidoo kale yidhi isagoo hadalkiisa sii wata“Tusaale ayaan ku siinayaa,Xisbiyadii Mucaaridka ahaa ee aanu tartamaynay anigu markii aan meesha imidba waan u yeedhay,saddex illaa afar jeer,halkaas imika dood ayaa ka timaadee,maalintii aan xilka la wareegayayna waxaan ku idhi waxaa igu waajib ah inaan ku jiifsado marka wax la qaybinayo qoloda aniga i dooratay,haddii la doodana waxaan qabaa inaan Talaabadaasi qaaday,kuwa iga soo horjeedaa wali dood ayay ka qabaan, “waa tidhi eh,maad fulin”,oo waxay yaraysanaan talaabada aan qaaday,Soomaalidu waxay tidhaahdaa laba nin oo walaalo ahi waligood isma fahmaan “waa nin Hodan ah iyo nin Faqiir ah”,ka hodanka ahi waxa uu tiriyaa wixii uu bixiyay,kana waxa uu tiriyaa inta uu qaday,markaa aniga waxa ay ila tahay inuu kan mucaaridka ahi uu tirinaayo inta dhibaato ah ee uu isagu tirsanayo aniguna waxa laga yaabaa inaan tirinayo inta talaabo ee aan qaaday,markaasi doodaasi sidaasi ayay u jiraysaa”.,
Waxa uu sidoo kale yidhi“Laakiin waxaa mar walba igu waajib ah ninkaasi aanu dalka wada leenahay ee aanu hogaaminta wada leenahay inaan siiyo tixgalintiisa,Dhagaysigiisa iyo Qadarintiisa oo aan ka talo qaato,isagana waxaa ku waajib ah inuu intaasi in leeg soo talaabsado,markaa anigu intayda waan ku dadaalayaa”.
Madaxweyne Muuse Biixi oo Waraysigaasi lagu waydiiyay in Nidaamkii Xisbiyada Siyaasada Somaliland ay isku badeleen Xisbiyo Beelaysan oo sidii la rabay iyo Mabda’ii loo sameeyay Baal maray,iyo sida ay isaga ugu muuqato ayaa waxa uu ku jawaabay sidan“haa Yaa eeda leh,ma xisbiyada ayaa beelo la yimid mise dadkaa Xisbinimada diidan oo beelo ka dhigaya,aniga waayo aragnimadayda waxaan qabaa,xisbi kasta ha ahaadee,nin kasta oo Xisbi lihi inuu Xisbi heer qaran ah inuu u noqdo jecel yahay,laakiin waayo aragnimadayda dadkeena ayaa wax walba ka horaysiinaya qabiiladii,oo adiga oo Cabdisalaan Hereri ah haddii aad furato Tv,la odhan maayo waa Tv eh waxaa la odhanayaa waa Tv-gii Reer Hebel,waa Masiibo ina hortaagan oo Dadkeena aad ugu dhegan,waliba laba qolo oo aan islahaa way ka saari doonaan ayaabay taasi ku sii badan tahay oo waa Qurbajooga iyo Dhalinyaradii Mutacalimiinta ahayd oo iyagu hiil ka waayay Qaranka”.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *