BREAKING NEWS
Search

Waxa Uu Naftiisa Ku Waayay Maxaad Faras U Yeelatay Maadaama Aad Tahay Qof La Hayb Sooco Iyo Dalka Qisadani Ka Dhacday!!

Dunida waxa wali ka jira xaalad yasmo ama hayb-sooc ah oo dadka lagu kala sarraysiiyo iyada oo dalka Hindiya lagu tilmaamo dalalka adduunka ugu badan ee dadka lagu xaqiro ama ay dadku leeyihiin martabado kala sarreeya oo dhinaca nolosha maadaama uu yahay waddanka Labaad ee adduunka ugu dadka badan marka laga yimaad waddanka Shiinaha.
Xaalad ka mid ah xaaladaha muujinaya sida dadku heerer kala duwan nolosha u taagan yihiin ee la isku hayb sooco ayaa waxa ay dalkaasi Hindiya dhawaan ka dhacday kadib markii Nin dhalinyaro beeralley ahaa oo ka soo jeeda qowmiyadda aadka loogu takooro Hindiya ee Dalit lagu ciqaabay takooris. Wiilkan ayaa u dhintay garaacid loo geystay isagoo loo haystay kaxaynta iyo lahaanshaha faras. Waxaanu kaliya ninkaasi u dhintay in lagu dilay maxaad faras u fuushay ama aad u yeelatay maadaama aad tahay qof xaqiran oo aan lahaan Karin ama kaxaysan Karin Faras.
Booliiska gobolka Gujarat ee Dalkaasi Hindiya ayaa sheegay in saddex nin oo bulshada dabaqadda sare ah ka soo jeeda la xidhay si su`aalo loo weydiiyo iyada oo lagu tuhmayo in ay ka dambeeyeen dilka wiilkaasi dhallinyarada ahaa ee sababta Faraska loo dilay. Aabbaha dhibbanaha ah ee wiilkaasi dhalay ayaa sheegay in wiilkiisa ay soo gaadhay digniin ah inaanu kaxayn faraska, taas oo loo arko inay keliya sameyn karaan dadka beelaha sare kasoo jeedaa.
Lahaanshaha faras ayaa qaybo ka mid ah Hindiya looga arkaa inay calaamad u tahay awood iyo hanta ay dad gaar ah oo kali ahi yeelan karaan oo ah kuwa dabaqadda sare balse aan loo ogolayn kuwa la takooro sida qabaa’ilka uu ninkani ka soo jeeday ee Dalit. Sarkaal sare oo booliis ah ayaa sheegay inaan la heyn sabab kale oo dilka wiilkaasi ka dambeysa balse way wali baadhitaan culus ku guda jiraan. Pradeep Rathod, oo 21 jir ahaa, ayaa isagoo meyd ah Khamiistii laga helay barkad uu dhiig ka buuxo meel u dhow xaafadda Timbi ee gobolka Gujarat waana goobta lagu dilay. Cabasho uu booliiska u gudbiyay, ayuu aabbaha wiilkani ku sheegay in wiilkiisu uu jeclaa fardaha sidaas darteedna uu mid u soo iibiyay balse nasiib darro iibka faraskaasi uu galaaftay noloshiisa. Waddanka Hindiya ayaa waxaa hore uga dhacay weerarro iyo takoor ka dhan ah qowmiyadda Dalit. Takoorka ka dhanka ah qowmiyad ayaa mamnuuc ka ah Hindiya, balse weli waxay si baahsan uga jirtaa dalkaasi waana caado aan la goyn Karin wakhti dhaw.
Pradeep Rathod ayaa ahaa wiil la sheegay in uu jeclaa farad fuulka sidaa darteed uu aabihii u soo iibiyey faras yar kaasi oo ugu dambayn sahayday noloshiisa loona dilay maxaad u fuushay faraska maadaama aad tahay qof la hayb sooco oo aan u qalmin in uu faras suulo ama yeeshaba. Waana arrin xanuun badan.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *