BREAKING NEWS
Search

Wax Ka Ogow Xeerka Sirdoonka Qaranka Somaliland. waa xeer ay shacabka iyo saxaafaduba ku tilmaantay mid u dhigma kii siyaad Barre lagu afganbiyay.

Xeer Lr. 59/2012

QAYBTA KOOWAAD
Qodobka1aad
Erey-Bixinta Xeerka
Xeerkan gudihiisa waxa ereyadan loola jeedaa:
Hay’adda: Hay’adda Sirdoonka Qaranka (National Intelligence Agency
“NIA”). Agaasimaha Guud : Agaasimaha Guud Hay’adda Sirdoonka Qaranka.
Xubin: qof kasta oo ka mid ah Hay’adda Sirdoonka Qaranka.
Xog qarsoodi ah: xog dabeecad ahaan ama qiimo ahaan xasaasi ah, taas oo
bixinteeda ama sheegiddeeda aan la ogolaani ay khatar ku tahay
ilaalinta amniga iyo danta qaranka.
Qodobka 2aad
Magaca Xeerka
Xeerkan waxa loogu yeedhayaa Xeerka Hay’adda Sirdoonka Qaranka.
Qodobka 3aad
Aasaasidda Hay’adda
Xeerkan waxa lagu aasaasay Hay’adda Sirdoonka Qaranka (National
Intelligence Agency “NIA”) oo yeelanaysa shakhsiyad qaanuuni ah.
Qodobka 4aad
Madaxbanaanida Hay’adda
Hay’addu waxay hoos tagtaa Madaxweynaha JSL, waxaanay u gudanaysaa xilka iyo waajibaadkeeda si madaxbanaan oo Xeerka Waafaqsan .
Qodobka 5aad
Ujeeddooyinka Hay’adda
1. Ujeeddooyinka loo aasaasay Hay’addu waxa ka mid ah:
Raadinta,Xuuraaminta (intelligence) xogta iyo wararka.
B. Ka saadaalinta iyo dabagalka (monitoring) waxkasta oo waxtar u leh
sugida iyo xasiloonida amniga qaranka.
c. Ka hortaga shirqoolada af iyo adinba kaga iman kara cadawga gudaha iyo dibada oo loola jeedo in lagu wax yeeleeyo laguna wiiqo haybada, sumcada iyo harumarka qaranka wejikasta ama meelkasta oo ay ku abaaran yihiin. Kuwaasi oo marka war la hello kadib si aqoon iyo
digtoonaan cuskan loo maarayn karo loona furdaamin karo ama looga
hor tegi karo inta aanay iman hadii ay markaa ciqaab mudantahayna la mariyo.
d. Ka soo warbixinta meel kasta guddo iyo dibadba iyo cid kasta oo ay u aragto inay ku lug leedahay ama wado dibindaabyo qaran dumisnimo, curyaamin iyo wax kasta oo wax yeelo ku ah habsami u socodka hawlaha qaranka, iyagoo markaa diyaarinaya habkii ama talaabadii ku haboonayd ee wax lagaga qaban karo arrimahaas.
2. Ka turjumidda, war-bixinta iyo u kuur gelidda guuxa iyo dareenada shacbiga iyo meel kasta oo ay tabasho ka jirto iyadoo sida ugu haboon warbixin buuxda uga siinaysa Madaxweynaha arrimahaas si uu go’aanno iyo xal uga soo saaro
QAYBTA LABAAD
Qodobka 6aad
Awoodda Hawlgalka Dhulka,Badda iyo cirkaba
Hay’addu waxay awood u leedahay in ay ka hawlgasho dhulka,badda iyo Cirka Jamhuuiryadda Somaliland ee ku gudo-jira xuduudihiisa caalamiga ah, waxa kale oo ay ka shaqayn kartaa meel kasta oo ka baxsan xuduudaha dalka, iyadoo la eegayo danta qaranka, marka loo baahdo.” Qodobka 7aad
Xilka iyo Waajibaadka Hay’adda
Hay’addu waxay leedahay xilalka iyo waajibaadka hoos ku qoran:
1. Ururinta, xuuraaminta, lafo-guridda iyo hufidda xogta ay hesho(intelligence
service);
2. Dabagalka (monitoring) iyo la socodka xaalada amniga guud ee qaranka iyo xasiloonida dalka iyo dibadaba;
3. Ka warbixinta khataraha jira ama ku soo fool leh amniga qaranka gudo iyo dibedba;
4. ka saadaalinta iyo ka warbixinta meel kasta oo ay ka iman karto khatar iyo waxyeelo qaranka ku iman karta, ka hortaga iyo gacan ku qabashada falal kasta iyo xad gudub kasta oo ah danbiyo, shirqoolo iyo hadimooyin lagu wax yeelayn karo qaranka.
5. dabagalka iyo raadinta xog kasta oo la xidhiidha danbiyada abaabulan iyo kuwa
argagixisada.
6. Taageeridda iyo gacansiinta laamaha Dawladda ee qabilsan amniga iyo Dhamaan meel kasta oo kale oo ay waxtar ka geysan karaan.
7. La socodka iyo dhaqdhaqaaqa Hay’adaha shisheeye.
8. Tira koobka xog u haynta dublimaasiyiintooda (Diplomatic missions).
9. Tiro koobka ajanebiga wadanka ku sugan iyo isla markaana sugida amaanka cida ku xusan xarfaha G & i..
…La Soco Cadadka Khamiista




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *