BREAKING NEWS
Search

Wax Ka Baro 9ka Nin Ee Ugu Xaasaska Badan Dunida…Q2aad

9-men-in-history-with-the-most-wives-620x355
Guurka uu ninku guursado gabdho badan waa mid ku yar aduunka balse waxa uu haddana ka jiraa meelo ka mid ah kownnkan, inkasta oo dhaqamada iyo diimaha dunidu ay dabar ku yihiin guurka noocan ah balse waxaa marar badan dhacda in la helo qaar ka mid ah dadka oo iyagu ka gudba xuduudkkaasi,, sidoo kale waxaa jira caqacado ka soo wajaha raga in ay guursadaan xaasas badan sida arrimo dhaqaale, dhaqan, iyo caqiidooyinba. Tusaale ahaan Diinteena Islaamka ayaa waxa ay qofka u banaysay in uu qofka raga ahi uu guursan karo afar xaas balse aanu intaasi ka badin Karin halka dadka diinta Kiristaanka aaminsani ay sheegaan in ay diintoodu u ogoshahay in uu guursado ninku hal xaas balse waxaa meelo ka mid ah dunida ka jira rag guursadayy dumar aad u tiro badan, halkana waxaanu idiinku so gudbinaynaa sagaalkii nin ee taariikhda ugu xaasaska badnaa ragii dunidan soo maray.
Hadaba waxaa halkii aan ka sii anbo qaadi doonaa qaybteenii labaad iyo intii ka dhinayd tirada sagaalka ah
5.Warren Steed Jeffs

LAS VEGAS - AUGUST 31:  Warren Jeffs (C) is held by two Las Vegas Metropolitan Police Department SWAT officers during his extradition hearing in Las Vegas Justice Court at the Regional Justice Center August 31, 2006 in Las Vegas, Nevada. Jeffs, the fugitive leader of a polygamist Mormon sect who has been on the FBI's Ten Most Wanted List since May, will not fight extradition to Utah. He was arrested by a Nevada Highway Patrol trooper on August 28 during a traffic stop. Jeffs was wanted in Utah and Arizona on charges linked to allegations of arranging marriages between men and underage girls.  (Photo by Ethan Miller/Getty Images)

LAS VEGAS – AUGUST 31: Warren Jeffs (C) is held by two Las Vegas Metropolitan Police Department SWAT officers during his extradition hearing in Las Vegas Justice Court at the Regional Justice Center August 31, 2006 in Las Vegas, Nevada. Jeffs, the fugitive leader of a polygamist Mormon sect who has been on the FBI’s Ten Most Wanted List since May, will not fight extradition to Utah. He was arrested by a Nevada Highway Patrol trooper on August 28 during a traffic stop. Jeffs was wanted in Utah and Arizona on charges linked to allegations of arranging marriages between men and underage girls. (Photo by Ethan Miller/Getty Images)


Sidaynu hore u sooo sheegnay sida badan dhaqanada qaar ayaa waxa ay caqabad ku yihiin guurka noocan ah, siiba kuwa haysta diinta Kiristaanka maadaama ay inta badan guursadaan hal xaas kaliya, balse sida dhacda nimanka madaxda ka ah kaniisadaha iyagu waa ka reeban yihiin, waxaana loo ogol yahay in ay guursadaan dumar hal xaas ka badan, ninkan Warren la yidhaa waxa uu maamule kaniisadeed ka ahaa gobolka Arizona ee dalka Maraykanka siiba magaakladiisa Colarado waxaana la rumaysan yahay in uu guursaday dumar gaadhaya 80 haween ah waxaana uu dhalay 250 caruura. Sanadkii 2002-dii ayay FBI –da maraykanku hawl galo ay qaaday ku ogaatay in ninkani uu ku kacay kufsi, afduub, iyo ka baxsi cashuur bxineed waxaana lagu xukumay xabsi daa’in sanadku markuu ahaa 2007-dii
6.Rulon Timpson Jeff
rulon-timpson-jeffs-6
Ninkii aynu soo dhaafnay ee Warren Steed Jeffs aabihii oo laguu magacaabo Rulon Timpson Jeff waxa isagana lagu turiyaa in uu ka mid yahay raga ugu xaasaska badan dunida wuxuu guursday 75 haween ah isagoo aabe u noqday caruur gaadhaysa 65 caruura, ninkan oo noolaa sanadadii u dhaxaysay 1909-2002 badi intii danbe ee noloshiisa waxa uu la noolaa 20 xaas.
7. Saleh al-Sayeri
saleh-al-sayeri-7
Ganaacsadaha reer Sucuudi ee Saleh waxa uu guursaday 58 haween ah muddo 60 sano gudaheed ah, isaga oo bilaabay guurka markay da’diisu ahayd 14 jir, sida la sheego waxaa kharash aroos iyo kuwo uu furay oo uu dib u dejin u samaeeyay ku bixiyay lacag gaadhaysa 1.6 Million oo Doolar, balse labadii qarni ee u danbeeyay waxa uu caadi ahaan u qabay saddex xaas, balse ta afraad ayaa waxa uu sanad kasta ku badadali jiray mid cusub isaga oo ku andaacooda in ay tahay in mar walba lagu badalo mid cusub
8. Brigham Young
brigham-young-8
Ninkan isaguna ka madaxda ahaa Kansiisada kiristaanka ee noolaa sanadadii u dhaxeeyay 11847-1877, waxa u uahaa ninkii helay, maamulna ka noqday dhul ka mid ah maraykanka oo la yidhaahdo Utah Mudadii uu noolaa ee 76ka sano ahayd Young waxa uu guursaday 55 haween ah kuwaas oo 21 ka mdi ah aan hore loo soo guursan halka 16 ka mid ahna ay ragoodii ka dhinteen, sidoo kale 6 ka mid ah dumarkaasi waa la soo furay balse arrinka cajiibka ahi waxa weeye in 6 ka mid ah xaasaska Young qabay ay isla ragoodii noolaayeen
9, Joseph Smith
joseph-smith-9
Ninkan aasaasaha ka ahaa kaniisada lagu magacaabo Lattar Day Saints waxaa uu guursaday dumar gaadhaya 34 mudadii uu noola, cel celis ahaan da’da gabdaha uu guurdasay waxay u dhaxeeyeen 14-60 sano. Bar bilawgii hore ninkani xaasaskiisa waa uu ka qarin jiray dadka balse waxa u cadaystay markii gabadhiisii u horaysay ogalaatay guurka noocan ah maadaama kaniisadu banaysay.
Dhamaad
Turjumidii Iyo Diyaarintii: Saalax Maxamuud Yuusuf




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *