BREAKING NEWS
Search

Wax Ka Baro 9-ka Nin Ee Ugu Xaasaska Badan Dunida…..Q1aad

Wax Ka Baro 9-ka Nin Ee Ugu Xaasaska Badan Dunida
9-men-in-history-with-the-most-wives-620x355
Guurka uu ninku guursado gabdho badan waa mid ku yar aduunka balse waxa uu haddana ka jiraa meelo ka mid ah kownnkan, inkasta oo dhaqamada iyo diimaha dunidu ay dabar ku yihiin guurka noocan ah balse waxaa marar badan dhacda in la helo qaar ka mid ah dadka oo iyagu ka gudba xuduudkkaasi,, sidoo kale waxaa jira caqacado ka soo wajaha raga in ay guursadaan xaasas badan sida arrimo dhaqaale, dhaqan, iyo caqiidooyinba. Tusaale ahaan Diinteena Islaamka ayaa waxa ay qofka u banaysay in uu qofka raga ahi uu guursan karo afar xaas balse aanu intaasi ka badin Karin halka dadka diinta Kiristaanka aaminsani ay sheegaan in ay diintoodu u ogoshahay in uu guursado ninku hal xaas balse waxaa meelo ka mid ah dunida ka jira rag guursadayy dumar aad u tiro badan, halkana waxaanu idiinku so gudbinaynaa sagaalkii nin ee taariikhda ugu xaasaska badnaa ragii dunidan soo maray
1. King Solomon
king-solomon-1
Ninkan lagu magaaco King Soloman waxa uu ahaa nin aad ugu caan ahaa xikmada siiba gabayada waxaanu guurrsaday 700 oo haween ah iyo 300 oo Adoomood waana ninka koowaad ee ugu guursiga iyo gabdhaha badan dunida iskugayn dumarka uu qabo iyo adoomahiisu waa 1000 haween ah sidoo kale ninkan wali xog rasmiya lagama hayo tirade caruusta uu dhalay waana mid u baahan baadhis iyo xaqiijin
2. Fat′h Ali Shah Qajar
fat%e2%80%b2h-ali-shah-qajar-2
Fat′h Ali Shah Qajar waxa uu ahaa boqorkii labaad ee boqortooyadii Beershiyaanka kaas oo noolaa sanadadii u dhaxaysay 1772 iyo 183,4 waxaana uu shaqada xafiiska boqortooyada hayay muddo ku siman 37 sano, waxaana uu guursaday waqtigaas dumar gaadhaya 158, liiska magacyada dumarkiisiina waxaa laggu qoray buuga la yidhaahdo Tarikh-e Azodi kaasi oo uu qoray ninka la yidhaahdo Ahmad Mirza Azod-ed-Dowleh, waxaana uu dhalay caruur gaadhaysa 260, sidoo kale waxa uu awaw u noqday 786 caruura.
3. Asentus Ogwella Akuku
asentus-ogwella-akuku-3
Ninkan lagu magacaabo Asentus Ogwella Akuku dhalasho ahaan waxa uu ka soo jeedaa waddanka Kenya waxaana sida la rumaysan yahay uu qabaa dumar lagu qyaasay 100 haween ah, ninkani waxa uu xaaskiisii ugu horeeyay guursaday sanadku markuu ahaa 1939, waxaana uu bilaabay in uu guursado dumar tiro badan sanadku markuu ahaa 1944, waxaana ay da’diisu ahayd markaas 22 sano, sido kale waxaa uu furay ninkani dumar gaadhaya 85 haween ah. Waxaana waqti dheer uu la noolaa oo keli ah 12 xaas, Guuurkiisii ugu danbeeyayna waxa uu ahaa sanadkii 1992kii, Akuru waxa uu leeyahay caruur gaadhaysa 160, waxaana uu isla caruurtiisaasi u aasaasay laba dugsi hoose/dhexe oo ay kaligood dhigtaan, waxaana uu geeriyoodayy 2010-kii isagoo da’diisu caga cagaynaysay 94 sano.
4. Mohammed Bello Abubakar
mohammed-bello-abubakar-4
Ninkan u dhasay Nayjeeriya waxa uu ahaa Muslim, waxaana uu guursaday dumar gaadhaya 86 xaas, waxaana uu aabo u noqday caruur tiradoodu gaadhayso 170, ninkan wuxuu imaam ka ahaa masaajidka ku yaala xaafada uu qoyskoodu degan yahay, waxaana uu caan ku ahaa in uu guursan jiray dumar aad uga da’yar isaga, xataa mararka qaar waxa ay ka da’a yaraayeen caruurtisii u horeysay ee ay u dhaleen dumarkii ugu hireeyay ee uu guursaday, maadaama islaamku baneeyay Afar ddumar ah ninkani isagu waxa uu ku doodi jiray in islaamku aanu wax ciqaab ah saarin qofka ka badiya tirada islaamku baneeyay, si kastaba ha ahaatee Abubakar waxaa la qabtay sanadkii 2008-dii markaasi oo kooxo Islaamiyiin ahi ay qabsadeen maamulka waqooyiga Nayjeeriya kuna amreeen in uu furo 82 ka mid ah xaasaskiisii, balse ninkani amarkaasi waa uu diiday waxaanay ku xukumeen dil, balse markii danbe waxa uu ogolaaday in uu furo, maadaama uu ahaa nin aad loogu tirin jiray in uu yahay nin jecel in umadda shareecada lagu xukumo.
……….La Soco
Diyaarintii Iyo Turjumidii: Saalax Maxamuud Yuusuf




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *