BREAKING NEWS
Search

Wax-Garadka Lafa-Ruug Oo Maayarka Degmada Ku Eedeeyey In Cid Gaar Ah Uu U Loogay Dhul-daaqeenkii Deegaankaas

Lafa-ruug (Foore)- Qaar kamid ah odayaasha iyo waxgaradka tuullada Lafa-ruug oo ka tirsan degmada Mandheera ee gobolka Saaxil iyo Xildhibaan Daahir Aw Nuur oo kamid ah mudaneyaasha laga soo doortay deegaankaas ayaa qaylo-dhaan ka muujiyey awaamiir la sheegay in maamulka degmada Mandheeri ku faasaxay dhul-daaqsimeedkii deegaankaas ee ay xooluhu manaafacaadsan jireen xilliyada Adag, dhul daaqsimeedkaas oo ay sheegeen in maayarka degmada Mandheeri Iibiyey.
Odayaashan iyo waxgaradkan oo warbaahinta kula hadlay deegaanka Lafa-ruug maalintii dorraad ayaa baaq cabasho ah u diray xukuumadda dhexe iyaga oo ugu baaqay in ay arrintooda soo farogeliso oo ay wax ka qabato. “baaqayaga cabashada ahi waxaa uu yahay in dul daaqeenka bulshada ka dhexeeya la wada ilaashado laakiin annagu haddaanu shicibka nahay dhankayaga waanu jecelnahay in la wada ilaashadee xagga xukuumaddana waxaanu ka doonaynaa inay nagala hawl gasho”. Sidaasi waxaa yidhi mid kamid ah waxgaradkii halkaasi ka hadlay iyaga oo farta ku fiiqay farqiga u dhexeeya dhul beereedka iyo dhul daaqsimeedka iyo mid kasta cida awooda u leh bixinteeda iyo maamulideeda “waxaa jira dhul beereed iyo dhul daaqeed; dhul beereedka waxaa siin kara sharci wasaaradda beeraha, laakiin waxaa jira dhul daaqsimeed sharci darro lagu bixiyey oo deegaankan ku yaalla kaasi oo uu bixiyey guddoomiyaha degmadu, kaasi oo aanu awood u lahayn bixinteeda. Markaa waxaanu leennahay arrintaas haloosoo jeedsado oo wax halaga qabto, annaguna haddaanu deegaanka nahay waxaanu dooranay oo na metela xildhibaan, xildhibaanka waxaanu u dooranay in uu danaha deegaanka ka hadlo oo ay dawladdu isu daba taagto deegaankan oo naloo soo maro, Xildhibaankaas oo ah Xildhibaan Daahir Aw nuur iyo xildhibaannada kale ee la midka ahi waajibkoodii way gudanayaan oo way nagu garab taagan yihiin”. Sidaas ayuu yidhi ninkan waayeelka ah ee u hadlay odayaasha tuullada lafa-ruug ee degmada Mandheera ee gobolka Saaxil.
Sidoo kale mid kale oo kamid ahaa xubnihii halkaasi ka hadlay ayaa xoojiyey baaqooda waxaanay farriin u direen madaxweynaha Somaliland iyo golihiisa xukumadda, kaasi oo ay ka dalbadeen inay hoos u eegaan baaqooda “Waxaanu farriin u diraynaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo golihiisa Wasiirrada oo aanu ka codsanayno inay nala eegaan cabashadayda, waayo dhulka beeraha u astaysan iyo dhulka xoola daaqeenka ah waa la kala garanayaa, laakiin cid baa weji kale u martay bixinteeda oo aanay xaq u lahayn, arrintaasna waxaa masuuliyadeeda leh guddoomiyaha degmada oo bixinteeda iyo sharci u samaynteedaba ku shuqul leh, awoodna uma laha sidaas darteed waxaanu xukuumadda dhexe ka codsanaynaa in ay noo timaado oo ay nala eegto sida ay wax u jiraan iyo cidda khaladka leh”.
“dhul daaqsimeedkii tuullada lafo ruug iyo agagaarkeedii waa lagu tagri falay, cid aan awood u lahayn baa ku tagri falaysa oo dadkii isku dilaysa oo iskaga hor keenaysa , cidaasi waxa ay u fulinayaa cid gaar ah oo ay saami [share] kala gashay oo ay danaheeda gaarka ah ka fushanaysa, cidaas aanu tilmaamaynaa sida ayodayaasha hore sheegeen waa maayarka degmada . maayarku maalin dhawayd illaa saddex boqol oo tallaabo oo ay cid isku haystaan baanu isugu nimi oouu dhinac ahaa kuwaas oo uu warqad jeebkiisa ah u sameeyey , markaasaan ku idhi awood uma lihid arrintan annaguna waxba kama ogin ee ka daa, dabadeed wuu noo hanjabay”. Sidaas ayuu yidhi ninkan odayga ahi.
Gebogabadii waxaa halkaa ka hadlay xildhibaanka deegaanku soo doortay oo magaciisu yahay Xildhibaan Daahir Aw Nuur Xaaji Maxamuud waxaanu yidhi “anigoo ah xildhibaankii deegaanka Lafaruug, waxaan cabashadaas la qabaa odayaasha deegaanka waxaanan leeyahay deegaankii lafaruug
dhulkiisii waa lagu tagri falay, waxaanan arrintaas u sheegayaa oo aan farriintaas u dirayaa qaranka Somaliland madaxdiisa oo uu madaxweynuhu ugu horreeyo, golaha wasiirrada oo uu iyagana ay ugu horreeyan wasiirka arrimaha gudaha iyo wasiirka deegaanka iyo wasiirka beeraha waxaanan leeyahay cabashadaasi deegaanka oo dhan bay ka taagan tahay ee wax halaga qabto, si gaar ah waxaan ugu baaqayaa in ay wax uga qabtaan Wadhkii danta guud ee la bixiyey oo beero laga bixiyey iyo dhulkii daaqeenka ahaa oo meel walba ceelal laga qodayo oo uu isagu [maayarku] kow ka yahay, tiraba sideed meellood buu gacanta kla jiraa, waxa kale oo uu beer ka bixiyey dhul aanu xaq u lahayn in uu faro geliyo oo magaallada gudaheeda ah”.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *