BREAKING NEWS
Search

Wasiirul Dawle Damcay Inuu Xil Ukala Wareejiyo Laba Wasiir Oo Buuq iyo Habsan Dhaliyay,Iyo Cali Xaamud Jibriil Oo Ganafka Ku Dhuftay,Nidarna Ku Galay Inaanu Xilka Wareejinayn.

“Wasiirkii Hore Ee Xidhiidka Goleyaasha Iyo Wasiirul Dawlaha Amniga Oo Dirqi Ku Sigtay Inay Ku Dhex Dagaalamaan Hoolkii Xil Wareejinta Iyo Cali Xaamud Oo Diiday…….”.

Hargeysa(Foore) – Muran xoogleh oo saacado badan qaatay oo dadkii hoolka kujiray wada dareemeen ayaa shalay dhex maray Wasiirkii hore ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha Qaranka Cali Xaamud Jibriil iyo Wasiirka Cusub ee Xilkaasi Shalay la wareegay Axmed Xaaji Daahir iyo sidoo kale Wasiirul Dawlaha Amniga ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Maxamed Muuse Diiriye,iyadoo ay si gaar ah iskugu buuqsanaayeen Cali Xaamud iyo Maxamed Muuse Diiriye.
Dhamaan dadkii hoolka munaasibadu ka dhacaysay kujiray ayaa mar qudha shalay wada dareemay islamarkaana marqudha ku war helay Madaxdii hoolka fadhiday ee Xilka la kala wareegaysay oo lakala maslaxayo,faro taag taag iyo hadalka oo la isku celcelinayo,kaasoo dhex marayay Masuuliyiinta goobta fadhiday, iyado si gaar ah la arkayay inuu murankaasi ka dhex aloosnaa Wasiirkii hore ee Xidhiidhka Goleyaasha Qaranka ee Xilka wareejinayay Cali Xaamud Jibriil iyo Wasiirul Dawlaha Amniga Wasaaradda Arimaha Gudaha Maxamed Muuse Diiriye,kuwaasi si foolxun oo isficishi ah oo aan qarsoonayn hadal gaagaaban isku tuur tuurayay,arintaasi si guud u dareen galisay Dadkii munaasibadaasi joogay, waxaana la arkayay wasiirka Cusub ee Boosaha oo kala maslaxaya Masuuliyiintaasi.

Warar xog ogaal ah oo Wargeyska Foore helay ayaa iftiimiyay in muraankaasi uu bud dhig u ahaa kadib markii uu Wasiirul Dawlaha Amnigu ogaysiiyay inuu xilka ukala wareejinayo Labada Masuul ee Xilka lakala wareegaya,arintaasi oo uu si gaar ah uga cadhooday Cali Xaamud jibril islamarkaana uu ganafka ku dhuftay,isagoo nadir ku galay inaanay arintaasi suurtoobayn,oo aanay suurta gal ahayn inuu sharci ahaan Wasiirul Dawle Xil ukala wareejiyo. Waxaa la arkayay Cali Xaamud oo ku dhawaaqayay kalmad uu hal hays u leeyahay marka uu cadhoodo ee ay talo ka haado “No Way,No Way”,waxa uu ku wacad furay inaanu Munaasibada soo xidhayn Maxamed Muuse diiriye islamarkaana waxa uu codsaday inuu xilka ukala wareejiyo Wasiirka Cusub ee Boosaha iyo Isgaadhsiinta oo markaa ku sugnaa goobta islamarkaana si weyn loo arkayay isagoo labadaasi masuul dhawr jeer oo ay ku sigteen inay gacmaha iskula tagaan uu kala dhex galay oo uu kala badbaadiyay.

Dhinaca kale waxa iyaguna arintaasi isku jiidhay oo isku afgaran waayay Cali Xaamud iyo Masuulkii Xilka kala wareegayay kadib markii uu Axmed Xaaji Daahir taageeray inuu Xilka ukala wareejiyo Wasiirul Dawle Maxamed Muuse Diiriye.
Maaha markii u horaysay ee ay Somaliland ka dhacdo arin noocan oo kale ahi balse dhawr jeer oo hore ayaa la arkay, siiba Xukuumadda Kulmiye, Wasiir ku xigeen ama Wasiirul Dawle Xil u kala wareejinaya Wasiiro,iyadoo ay arintaasi meel ka dhac ku tahay jaran jarta dawladnimada iyo kala saraynta xilal Masuuliyiinta Qaranka sida ay Protocol ahaan u dhigan yihiin.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *