Wasiiru Dawlihii Nabadaynta Gobalada Barri Oo Cadho Kaga Baxay Hargaysa Laguna Sheegay Deeganadii Uu Kasoo Jeeday

Hargeysa,(Foore) – Wasiirul dawlaha nabadaynta gobalada bariga Somaliland Kayse Cabdi Yuusuf, ayaa safar cadho la xidhiidha ku tagay deegaanka Widhwidh ee gobalka Sool, oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo.
Wasiir Kayse, oo aan wax war ah laga helin maalmihii u dambeeyay, ayaa toddobaadkan gaadhay magaalada Widhwidh oo saldhig u ahayd wakhtiyadii uu jabhadka ahaa, waxaana la sheegay inuu cadho kagay baxay magaalada Hargeysa. laakiin warar ku dhowdhow ayaa sheegay in Kayse uu go’aan ku gaadhay inuu ka baxo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ka dib markii ay isku gaadhay sida la sheegay waxyaabo badan oo uu Madaxtooyada ka tirsanayay, waxaanay wararka qaar sheegeen inuu Baabuurkiisii gaarka ahaa dhigay sayladaha baabuurta lagu iibiyo ee magaalada Hargeysa si uu iskaga bixiyo dayn lagaga leeyahay magaalada Hargeysa




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *