BREAKING NEWS
Search

Wasiirro ka qeyb galay xaflad loo sameeyay olalaha joojinta Gudniinka fircooniga ah

Hargeysa (Foore)- Xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada ayaa maanta ka qayb galay kulan balaadhan oo loo sameeyay ololaha joojinta Gudniinka Fircooniga ah oo lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargaysa.

Waxa kulankan ka qayb galay Wasiirada Qoyska, Diinta iyo Awqaafta, Cadaalada, Wasiir-ku Xigeenka Caafimaadka,Salaadiin,Cuqaal,Ururada Bulshada Rayidka ah, Ardayda Jaamacadaha, Saraakiil ka socday hay’adaha Samo falka caalamiga ah.

Wasiirka Wasaarada Cadaalada iyo Garsoorka ee Somaliland Mudane Xuseen Axmed Caydiid ayaa sheegay dhibaatada uu haweenka ku hayo gudniinka fircooniga ah iyo siyaabaha ugu haboon ee wax looga qaban karo.
Wasiirku wuxuu sheegay in gudniinka fircooniga ahi ay diinta islaamku ka soo hor jeedo maadaama uu yahay sida uu xusay Ciqaab jidheed oo lagula kaco haweenka isla markaana uu distoorkeenu xaaraantinimaynayo wax kastoo wax yeelo ku ah bani aadamka waxa uu wasiirka cadaaladu si gaar ah u soo qaatay Qodobka 24 aad ee distoorka Somaliland.

Wasiirka Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Sh.Khaliil C.laahi Axmed ayaa sheegay in maanta adduunku uu garwaaqsaday gudniinka fircooniga ah ee haweenka lagula kaco uu yahay xad gudub waxaanu bulshada Somaliland u soo jeediyay in laga koro ficilada ay diinteena suuban ee islaamku inaga maanacday, wasiirka awqaaftu waxa uu cadeeyay in Gudniinkani uu yahay waxyaabaha laga dhaxlay Fircoon iyo Shayaadiintiisii.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac oo madashaasi ka hadashay ayaa sharaxaad ka bixisay dadaalka ay wasaarad ahaan ugu jiraan wax ka qabashada gudniinka fircooniga ah waxaanay sheegtay inay sameeyeen ololayaal ka dhan ah arrintan waxaa kale oo wasiirka qoysku ay intaas ku dartay qorshayaasha ay Xukuumadu arrintan ka leedahay.

Sidoo kale Wasiir ku xigeenka Wasaarada Caafimaadka Marwo Nimco Xuseen Qawdhan ayaa sheegtay in dhibaatada gudniinka fircooniga ahi aanay ahayn wax ka qarsoon haweenka waxaanay waalidiinta u soo jeedisay in hablaha soo koraya laga daayo aafadan oo sannad kastaba kumanaan hablood noloshooda cidhiidhi gelisa gaar ahaan xiliga foosha ay ku jiraan oo ay la soo dersaan siday tilmaantay dhiig bax sababa inay geeriyoodaan.

Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay xubno kala duwan oo kulankaas ka qayb galay iyo mas’uuliyiin ka socday hay’ada Health and limited .




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *