BREAKING NEWS
Search

Wasiirrada Madaxtooyadda Iyo Arimaha Dibadda Oo Arabsiyo Kula Kulmay Masuuliyiin Deegaanka Ah

Arabsiyo (Foore)- Wasiirrada madaxtooyada iyo arrimaha dibadda Somaliland Md. Xirsi Cali X. Xasan iyo Dr: Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa shalay gaadhay Magaaladda Arabsiyo ayaa mid ka mid ah bustaanada Arabsiyo kulan kula yeeshay odayaasha iyo Madax-dhaqameedka gobolka Gabiley, kuwaasi oo badankoodu ka yimid dhanka Magaaladda Gabiley, waxaana kulankaasi oo aan warbaahintu goobjoog ka ahayn xukuumaddu ku doonaysay inay ku dhageysato tabashooyinka reer Gabiley mudduba tirsanayeen. Kulankan oo ay qayb ka ahaayeen Maamulka degmada Arabsiyo, ayaa waxa Wasiiradda Madaxtooyadda iyo arimaha dibada oo uu weheliyo afhayeenka Madaxtooyaddu odayaashan ka dhageysteen warbixino la xidhiidha xaaladda deegaamada Gobolka Gabiley iyaga oo xukuumadda ka codsaday in ay dardar geliso waxqabadka gobolkaasi.
Mudadii kulankani socday waxa ay labada dhinac isaga xog warrameen xaaladda guud ee dalka iyo sida loogu baahan yahay in odayaasha deegaamadu door weyn uga qaadan lahaayeen ilaalinta nabad gelyada iyo sidii doorashooyinka soo socda bulshadu ugu diyaar garoobi lahayd uguna codayn lahayd hab nabad gelyo ah. Dhinaca kale odayaasha qaar ka mid ah ayaa la sheegay in ay xubnaha wasiirada u soo qaddimeen tabashooyinka ay qabaan dadka deegaanku iyaga oo xukuumadda ka codsaday in ay si degdeg ah uga hawl gasho baahiyaha aasaasiga ah ee gobolkan yaalla.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *