Wasiirkii Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada Oo Xukuumadda Iyo Xisbiga KULMIYE-Ba Iska Casilay Kuna Dhawaaqay In KULMIYE Dartii Uu Xilka Uga Tagay Ee Aanu Dhib Ka Tirsanayn M/Siilaanyo

Hargeysa, 6 November, 2017- (Foore) – Wasiirkii Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Somaliland Maxamed Cabdilaahi Obsiiye ayaa gabi ahaanba shalay iska Wada Casilay Xilkii uu Xukuumadda Siilaanyo ka hayay iyo,Xubinimadii Xisbiga Kulmiye ,Iyo Waliba Xubinimadii Gudida Ololaha,waxaana uu faahin faahin ka bixiyay Sababta iyo waxa uu isku casilay isagoo warbaahinta u sheegay inaanu hadda jirin Xisbi uu u diga roganayaa balse waxa uu carabka ku dhuftau inay isaga iyo taageerayaashiisku ku biiri doonaan Xisbiga ay u arkaan inuu abaal iyo Qadarin ku qabo codkooda,waa sida uu hadalka u dhigaye.
Wasiir Maxamed Cabdilaahi Obsiiye oo ka soo jeeda deegaanka Gobolka Awdal oo shir jaraa’id ku qabtay Shalay Galabtii magaalada Hargeysa ayaa shaaca ka qaaday inuu si buuxda uga baxay Gudidii Ololaha ee uu ku daray Gudoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye, waxaana uu sheegay inuu gudidaasi uga baxay kadib markii sida uu sheegay saluugay hanaanka gudidaasi loo maamulay,waxaana uu yidhi“Waxaan cadaynayaa oo aan u sheegayaa Cid kasta inaan si buuxda uga baxay,iskagana casilay Gudidaas ololaha Doorashada ee Xisbiga Kulmiye,kadib markii aan arkay ama ay ii cadaatay in Hawshaasi majaraheedii la lumiyay,Qof keli ah ay gacanta u gashay,Cid qabata oo tubtii ku soo celisana la waayay, sidaas awgeed ayaan gudidaasna uga baxay”.
Waxa kale oo uu intaasi raaciyay inuu sidoo kale ka baxay oo uu iska casilay Xubinimadii uu ka hayay Xisbiga Kulmiye,waxaana uu yidhi isagoo arimahaasi ka hadlaya“Qodobka labaad waxa weeyi,Waxaa kale oo aan halkan ka cadaynayaa inaan gabi ahaanba ka baxay Xisbiga Kulmiye kadib markii aan ogaaday ama ay ii cadaatay in Codka shacabka deegaanka aan ka soo jeedaa uu ku dhacayo meel aan abaal iska daaye,Mahadsaniduna ku adag tahay”.
Dhinaca kale,isagoo ka hadlaya Xilka wasiirnimada uu iska casilay ayaa waxa uu yidhi: “Qodobka saddexaad waa Xilka aan Xukuumadda kahayo,Waxaa marka hore umahad naqayaa Illaahay, Marka labaad waxaan u mahadnaqayaa Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamuud Siilaanyo, Xilkaasi waxa uu ii magacaabay Bishii 03/12/2016-kii, Waxaan u mahadnaqayaa Sida nadiifta ah ee Maamul wanaagga ah ee aanu Madaxweyahaa iyo Xukuumaddiisaba aanu u soo wada shaqaynay,aad iyo aad ayaan uga mahad celinayaa,Wax ceeb ah oo aan ka sheegayaa majirto,si wanaagsan ayaanu u soo wada shaqaynay,si nadiif ah ayaanu u soo wada shaqaynay, hase ahaatee Xilka uu ii magacaabayna aad ayaa uga mahadcelinayaa,Waxaan maanta warbaahinta umarinayaa inaan Xilkaas laftiisa maanta dhigay,oo aan uga tagay Arimo dhawr ah oo igaga soo baxay Xisbi Xaakimka Kulmiye ee ay Xukuumaddu ka soo jeedo,Kuwaasi oo aan faah faahin doono dhawaan insha Allah”.
Ugu dambayn waxa uu yidhi“Hadda ma odhanayo Xisbi Hebel ayaan ku biiray,laakiin way iman doontaa,waxaanse dadkayaga iyo aniguba aanu ku biiri doonaa Cidda Codkayaga abaal ku qabta,ee noo soo baxda”.
Dhawaan ayay ahayd markii Suldaanka Guud ee Beesha uu ka soo jeedo Wasiirkani si rasmi ah u sheegay in ay beeshiisu taaheersan tahay xisbiga WADDANI haddii xisbigaasi laga helana ay ka tashan doonaan gabi ahaanba Somaliland taasi oo Suldaanka u soo jiiday eedo culus oo uga yimid Madax-dhaqameedka Somaliland gaar ahaan Gobolka Awdal. Halka ay sidoo kale xusid mudan tahay in Wasiirkan is casilay ay isku deegaan ka soo jeedaan Musharraxa Madaxweyne ku xigeen ee Xisbiga WADDANI kaasi oo la aaminsan yahay in uu saamayn ku leeyahay is casilaaddan Wasiirka.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *