Search

Akhri Wasiirkii Hore Ee Maaliyadda Somaliland Md Samaale Oo Sheegay In Haddii Uu Tartan Xor Ah Oo Xalaal Ahi Ka Dhaco Xisbiga Kulmiye Uu Ku Rajo Weyn Yahay Inuu Yahay Ninka Guushu Raacayso.

Hargeysa(Foore) – Wasiirkii Hore ee Wasaarada Maaliyada Somaliland Md Cabdicasiis Maxamed Samaale waraysi kooban oo uu siiyay Tvga Caalamiga ah Star tv ayaa shaaca ka qaaday in haddii tartan xalaal ah Xisbiga Kulmiye uu ka dhex dhaco uu yahay shaqsi koowaad ee ku guulaysanaya tartanka.,waxa uu ugu baaqay Taageerayaashiisa in arintiisii aanay waxba iska badelin ee uu u taagan yahay Musharax Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye Siilaanyo dabadii.
Wasiirkii hore ee Maaliyadda oo arimahaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “Indhawayd Warbaahinta aad ayaan iskaga dhawray,waanan jeclahay runtii inaan iska dhawro,sababta oo ah,qofku marka uu xil hayo,xilkana uu siidaayo,Inta badan waxa loo bartay Qofku xilkii uu katagay dabadeed inuu halkii uu xilka ka hayay dhaliilo ama wax ka sheego,ama ceebeeyo,qof sharaftiisu taasi ka weyn tahay ayaan runtii ahay,sidaa darteedna Warbaahinta waan ku yaraa”.
Isagoo ka hadlaya hankiisii “Hankaygii Musharaxnimo ee Xisbiga Kulmiye ee Md Axmed Siilaanyo Dabadii waa sidiisii,waanan u taaganahay waanan sharaxanahay,waanan tartamayaa,Marka uu furmo tartankaasi,waxaan u sheegayaa taageerayaashayda,Dhamaan Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye,waxaan u sheegayaa Aasaasayaasha Xisbiga Kulmiye,iyo dhamaan inta Aniga i taageertay in arintaasi sidii aan isku ogayn tahay wax iska badelayna aanay jirin,loolan haddda bilaamay iyo tartan hadda bilaamayna aanu jirin,sidaa darteedna aniga Aamuskaygu uu ahaa. Waxaan soo dhawaynayaa Mudaynta la mudeeyay Shirkii golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye,inuu noqdo 10/11/2015-ka,aad iyo aad ayaan taana u soo dhawaynaya, Raali ayaan ku ahay,waanan ku faraxsanahay,waxaanan Illaahay ka baryaynaa inuu shirkaasi si fiican inoogu qabsoomo”.
Waxa kale oo uu yidhi “Xaqiiqatan Xisbiga Kulmiye Waa Xisbi Balaadhan,waa Xisbi weyn,waa Xisbi ay iskugu yimaadeen Dad badan dareen siyaasi lehi ay iskugu yimaadeen, Aasaaskii Xisbiga illaa maanta oo uu Xisbigu uu taladii dalka hayo,waxaan ka mid ahay dadkii Bilawgiisii iyo Aasaaskii kala qayb qaatay Madaxweynaha Somaliland,dadkii la aasaasay ayaan ahay,ee Hawshii Xisbiga kaalinta ka soo qaatay,odhan maayo keli ayaan ku ahaa,Odhan maayo aniga ayaa u mudnaa,laakiin waxaan ka mid ahaa dadkii runtii Hawshaa Xisbiga ka soo qayb qaatay,lafdhabarka ka ahaa,Xisbigu Maraaxil badan ayuu soo maray,Xili uu mucaarid ahaa,Xili uu Aaasaaskiisuba taagnaa oo Urur uu ahaa oo Xisbinimoba aanu gaadhin,maraaxishaa kala duwan qofba meel ayuu Xisbiga kaga soo biirayay,laakiin dadkii la bilaabay Xisbiga ayaan ka mid ahaa”.
Sidoo kale waxa uu yidhi “Waxaan halkan ka xusayaa dadkii aasaaskii Xisbiga aanu ka soo wada qayb qaadanay oo aad iyo aad u badnaa,oo ay ka mid ahaayeen Alle ha u naxariistee Xoghayihii guud ee Xisbiga Kulmiye ee Daa’uud Muxumed Geele,oo maanta naga hooseeya iyo intii kale ee badnayd ee inbadan maanta ay Xisbiga ka mid tahay, inbadan oo kalena ay Maanta siyaasada Xisbiga ay ka soo horjeedaan”.
Wasiirkii hore maaliyada Somaliland Md Samaale ayaa si qoto dheer uga sheekeeyay taariikhdi kala duwanayd ee uu Xisbigaasi soo maray,waxaanu muujiyay inuu aad ugu rajo wayn yahay inuu noqon doono Hogaamiyaha Siilaanyo dabadii musharaxa Xisbiga ku guulaystay ee hogaanka dalkana ku guulaysta.
Md Samaale ayaa waxa uu kale uu hadalkiisa ku daray “Maanta waxaan u taaganahay Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye marka uu tartankaasi uu furmo,waxaan soo dhawaynayaa cid kasta oo hamigaasi iyo dumuuxaasi leh,Tartan walaaltinimo,Saaxiibtinimo,Kalgacal inuu dhaco,dabadeedna Cida ku guulaysata Lagu dhiso,ayaan runtii diyaar u ahay,waana in la helaa Tartan xalaal ah,oo loo siman yahay oo walaaltinimo,marka uu tartanka Kumiye furmo Qofka koowaad ee taagan ayaan ahay,ragga saaxiibayd ah ee hankaasi lehna waan ku soo dhawaynayaa,waxaan leeyahay waa ciyaar,waa tartan,kubada sida loo kala xariifsan yahay ayaa loo badiyaa,tartanka siyaasadana sida loo kala nasiib badan yahay ayaa loo badani doonaa”.
Waxa uu sheegay inuu kalsooni ka qabo tartanka “kalsooni ayaan ku qabaa shacabka Reer Somaliland,halkaan aan maanta joogana Illaahay ayaa isoo gaadhsiiyay,Doorasho hore ayaan galay oo cod umadu siiisay,doorasho kale oo tii shirgudoonka Golaha wakiilada ah,intaasi CV taariikhdayda siyaasiga ka mid ah weeyaan runtii,sidoo kale intii aan Xilka wasaarada Maaliyada Hayaynna Illaahay SWT wuu igu asduray,CV kale oo aan umadayda iyo Xisbigaygaba ku dhex leeyahay weeyi,kalsooni ayaan ku qabaa in Tartan xalaal ahi ka dhex dhaco Xisbiga oo lagu tartamo,oo qofka tartankaasi si xarago leh ugu guulaysta lagu dhiso”.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *