BREAKING NEWS
Search

Wasiirkii Ganacsiga Iyo Maalgashiga Xukuumaddii Siilaanyo Oo Shaaciyey In Aanay Shirkaddan Cusubi Jirin Sanqadheedadana Aanay Maqal Wakhtigoodii!

Hargeysa, February 12, 2018 – (Foore)- Wali waxa ay dadka iyo xataa masuuliyiinta dawladda intooda badani garan la’ yihiin xaqiiqooyinka ku lammaan shirkaddii uu Toddobaadkan ku dhawaaqay Safiirka Somaliland ee Imaaraadku in uu ka diiwaan galiyey waddanka Imaaraadka Carabta taasi oo uu ku sheegay in ay dawladdu leedahay balse dad badan oo arrimahan la socdaa ay ku sheegeen mid dad gaar ahi leeyihiin oo ay ku fushanayaan dano dhaqaale oo aanay waxba ka dheefayn umadda reer Somaliland.
Wali waxa haddaba socda dadka ka halaya ee siyaalaha kala duwan uga hadlaya kambanigaasi lagu sheegay ‘Somaliland Investment Company’ oo ay maamulkiisa ku qoran yihiin Baashe Cawil oo Madaxweynihii hore soddog u yahay iyo Wasiirka Arrimaah Dibadda Somaliland Md. Sacad Cali Shire halka wiil ay qaraabo yihiin Wasiirkii hore ee Maaliyadda isna lagu sheegay in uu xoghaye ka yahay.
Wasiirkii hore ee Ganacsiga iyo Maal-gashiga Somaliland ee xukuumaddii Siilaanyo Md. Cumar Shucayb Maxamed oo Telefishanka Eryal uga warramay aragtidiisa la xidhiidha kambanigaasi ayaa waxa uu ka hadlay in shirkaddani markii uu wasiirka ahaa ay jirtay iyo in kale waxaanu yidhi: “Shirkaddaasi runtii waxaan ka eegay Google waxaanan arkayay sida aad aragteen iyada oo ay boggeeda ku soo qortay shirkadda diiwaan gelisay ee Dubai. Wasaaradda Ganacsiga iyo Maal-gashiga Somaliland xilligii xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo aniga ayaa ka masuul ahaa. Wax allaale wax aan ka ogayn iyo wax aannu kala soconnay midna ma jirin haba yaraatee. Wakhtigaygii shirkaddani ma jirin manaan ogayn. Sida ku cadna waxa ku qoran oo Agaasimayaal ka ah Wasiir Sacad iyo Safiir Baashe. Wakhtigaa aan joogay xataa sanqadheeda maan maqal iska daa wax kaloo”.
Ex. Wasiir Cumar Shucayb waxa uu sheegay in aanay shirkaddani jirin wakhtigoodii oo aanay xataa sanqadheeda maqal sidoo kalena mashaariicda Maal-gashi ee Imaaraadka aany wasaaraddu marka horeba gacanta ku hayn oo lagala meeraystay sida uu hadalka u dhigay isaga oo sheegay in ay hawlahaasi gacanta ku hayeen marka horeba Wasiir Sacad Cali Shire iyo Safiir Baashe Cawil.

“Shirkaddan iyo kuwo la mid ah waa la samayn karaa balse muhiimaddu waxa weeyi ma la isla socdaa oo wasaaraddii arrinkani khuseeyey ma og tahay. Wasaaraddii Maaliyaddu ma og tahay. Diiwaan gelinteedan waxa la sameeyey imika oo 6-dii Bishan ayaaba la diiwaan galiyey. Markaa annaga xilligii aan wasaaraddan joogay maba ay jirin ee imika ayaa la sameeyey. Dawladda imika jirta ayay khusaynaysaa iyo wasaaradaheeda. Markaa haddii wasaaradahaasi ka war hayaan oo waxan la isla og yahay rasmi ahaan wax ceebaal ah markaa ma leh. Laakiin haddii aan la isla ogayn waxa ay noqonaysaa arrin aan is leeyahay kuma wanaagsana qorshaha iyo nidaamka. Madaxweynuhu wasaaradda ayuu sameeyey maal-gashiga oo horena u jirtay oo annaga xilligayaga waxa isku jiray Ganacsiga iyo Maal-gashiga. Markana hore wasaaradda waa lagaal meeraystay mashruucii DP-World iyo wixii maalgalin ahaa ee Imaaraadka waxaan amar walba hawshaa masuul ka ahaa Wasiir Sacad iyo Baashe”. Ayuu yidhi wasiirkii hore ee Ganacsiga iyo Maal-gashigu.

Halkan Ka Daawo Hadalka Wasiirkii Hore:




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *