Wasiirka Xoolaha Oo Sadex Baabuur Ku Wareejiyay Iskuduweyaashiisa Sool, Sanaag Iyo Tog-Dheer

Hargeysa (Foore)-Wasiirka wasaarada xanaanada Xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir Cali, ayaa maanta sadex Baabuur oo Noocoodu yahay LandCruesar 4WD ku wareejiyay Xafiisyada Isuduwayaasha ee Wasaaradaasi ee Gobolada Sool, Sanaag iyo Togdheer.
Xaflad lagu qabtay xarunta wasaaradda xanaanada xoolaha laguna gorfaynayey Talaalka lala damacsan yahay Hal Milyan oo Neef oo Riyo ah oo laga talaalayo Cudurka Sambabka kaas oo maalinta berito ka bilaaban doono guud ahaan Gobolada iyo degmooyinka Somaliland ayaa waxaa gaadiidkaasi la gudoon siiyey goboladaas oo ku fulin doontaa barnaamijka gaarka ah ee loo yaqaabo talaalka wareega.
Wasiirka wasaaradda xanaanada Xoolaha Dr Cabdi Aw Daahir ayaa si rasmi ah furayaashii gaadiidkaasi ugu wareejiyey hawlwadeenadii ku shaqayn lahaa.
Wasiirul dawlaha nabadaynta Gobolada Bari Md Kayse Cabdi Yuusuf oo xafladaasi ku sugnaa ayaa uga mahadceliyey wasaaradda xanaanada Xoolaha gaadiidka ay ku qalabaysay xafiisyada wasaaradaas ee Gobolada Bari.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *