Wasiirka Xanaanada Xoolaha Oo Ka Hadlay Waxyaabihii U Qabsoomay Sanadkan Sii Socda Iyo Qorsheyaashooda 2012-Ka

Hargeysa (Foore)- Wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha Somaliland Dr. Cabdi Aw Daahir, ayaa shalay ka waramay waxyaabihii u qabsoomay sanadkan sii galbanaya ee 2011-ka iyo qorsheyaashooda sannadka fooda inagu soo hayaba.
Dr: Cabdi Aw Daahir, Wasiirka wasaaradda xanaanada xooluhu waxa uu sheegay, in wax-qabadkooda ugu badan ay geliyeen daryeelka xoolaha nool oo ah laf-dhabarta dhaqaalaha dalkeena, bulshadeena inta badanina ay ku tiirsan tahay, waxaanu tilmaamay inay adeegyo talaal iyo dawayn isugu jiray ay siiyeen xoolo gaadhaya ilaa sadex Malyan oo iskugu jira Adhi, Geel iyo lo’. Wasiirka xanaanada Xoolaha Waxa uu intaa raaciyey in ay dedaal weyn ka galeen iyaga oo ka duulaya siyaasadda dawladda ee ku aadan xoolaha suuq raadinta xoolaha, wax-badanina ay u qabsoomeen.

Dr. Cabdi Aw Daahir wuxuu sheegay inay dayactir iyo habayn ku sameeyeen sayladaha magaalooyinka waaweyn ee dalka.

.
Wasiirku waxa kale oo uu xusay inay sameeyeen goobo nasinta xoolaha ah kuwaasi oo ka mid ah mashaariicda horumarinta xoolaha ee ay hirgaliyeen.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo shalay u waramayay warbaahinta dawladda ayaa sheegay inay sannadka fooda inagu soo haya u qorshaysan tahay sidii loo fulin lahaa mashaariic badan oo la xidhiidha caafimaadka xoolaha.
Waxa kale oo uu tilmaamay inay ka fikirayaan qorshe ay ku doonayaan in laga guuro nidaamka raacatada isla markaana loo guuro wax uu ku tilmaamay habka xoolo dhaqatadda.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *