Search

Wasiirka Waxbarashada Oo Bilowday Mashruuc Dhismeyaal Lagu Kordhinayo 24 Dugsi Sare

Hargeysa (Foore)-Wasiirka wasaarada waxbaraashada iyo tacliinta sare ee Somaliland Marwo. Samsam Cabdi Aadan,ayaa maanta sheegtay in 24 dugsi oo ka mid ah dugsiyada sare ee dalka lagu darayo dhismeyaal lagu ballaadhinayo, sidaana waxay ka sheegtay mar ay shalay dhagax dhigtay dhisme cusub oo lagu kordhinayo Idugsi Sare ee Maxamuud Axmed Cali ee magaaladan Hargeysa.

Munaasibadan dhagax dhiga oo lagu qabtay xarunta dugsiga Maxamud Axmed Cali waxa ka soo qayb-gallay Saraakiil ka socday Ha’yadda Mercy Crops oo iyadu fulinaysa ballaadhinta dugsiyadan iyo maamulaha Dugsiga Maxamuud Axmed Cali ,Md. Cali Balayax . Maamulaha dugsiga oo ugu horayn halkaas ka hadlay ayaa si weyn ugu mahad-naqay ballaadhinta iskuulkan iyo cidda gacanta ka geysatayba.

Maamule Balayax waxa uu intaa ku daray in Ardayda wax ka dhigata Iskuulkan ay aad ugu bahnaayeen dhismahan lagu soo kordhiyey maadaama ay sannad walba sii badanayso tirada ardayda ee iskuulku.

Mid ka mid ah madaxda Ha’yadda Mercy Crops oo ku hadlaayey magaca Ha’yadda ayaa isna sheegtay inay ku faraxsan yihiin marshuucan ay ku dhisayaan Dugsiyada sare ee Somaliland, waxay kale oo ay sheegtay in marshuucan ay daba socoto xirfad shaqo loogu abuuraayo ardayda ka soo baxda dugsiyada ee Somaliland waxaana hadaladeedii ka mid ahaa.“Aniga oo ku hadlaaya magaca Ha’yadda Mercy Crops waxaanu ku faraxsan nahay inaanu bilawnay marshuucan aanu ku dhisayno Dugsiyada sare ee Somaliland. Iyada oo ay marshuucan ay maal galisay USAID waxa kale oo marshuucan ka mid ah inaanu wax ka qabano shaqo la’ aanta haysata dhalinyarada oo aanu xirfad u bilawno ardayda ka soo baxaysa Dugsiyada sare ee Somaliland.”

Wasiirka waxbaraashada Somaliland oo soo gebagebaysay munaasibadaas ayaa u mahad-celisay cidkasta oo ka gacan geysatay qorshaha lagu ballaadhinaayo dugsiyada Sare Somaliland, waxaana hadaladeedii ka mid ahaa. “Dugsiyada sare dhismayaasha lagu kordhinaayo maanta ayaa inoo bilow ah oo aad ayaanu ugu mahad-celinaynaa cidkasta oo gacan ka geysatay horumarinta lagu sameeyaano dugsiyada sare ee waxbarashada Somaliland”.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *