BREAKING NEWS
Search

Wasiirka Wasaarada Maaliyada Oo Isku Duwayaal Cusub U Magacaabay Gobalada Qaarkood

Hargeisa (Foore)- wasiirka wasaarada maaliyada Somaliland mudane cabdicasiis maxamed samaale ayaa maanta soo saaray wareegto uu ku magaacabayo isuduwayaal ka kooban shan Xubnood.

Gobolada loo magacaabay isuduwayaasha waxay kala yihiin sidan:-

Gobolada Awdal iyo Salal waxa loo magacaabay Hal isu duwe

Gabilay iyo Hawd waxa loo magacaabay Hal isu Duwe

Gobolada Togdheer, Saraar iyo Odweyne waxa loo Magacaabay Hal Isu Duwe

Halka Gobolada Sool iyo Sanaag-na loo Magacaabay Hal isu Duwe

wasiirka wasaarada maaliyada somaliland cabdi casiis maxamed samaale ayaa sidoo kale isku shaandhayn ku sameeyey shaqaalaha ka hawlgala waaxaha kala duwan ee wasaarada maaliyada.

Sidoo Kale wasiirku Waxa uu usoo magacaabay maamulihii hore ee kastamka kalabaydh Mujaahid cumar xasan inuu noqdo isuduwaha wasaarada maaliyada ee gobolka gabiley iyada oo xilkiina laga qaaday maamulihii kastamka degmada tog-wajaale maxamed xaaji mahdi (iiran), laguna soo badalay nin ka soo jeeda gobolka maroodijeex

Wariye Kamaal Sh Ismail
Foorenews.com




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *