BREAKING NEWS
Search

Wasiirka Qorshaynta Somaliland Oo Hor Tagay Guddi Hoosaad Golaha Wakiiladda Ka Tirsan

Hargeysa (Foore)-Wasiirka wasaaradda Qorsheynta Qaranka Somaliland Md. Sacad Cali Shire ayaa maanta hor tegay Gudida siyaasadda arrimaha dibadda iyo xidhiidhka caalamiga ah, waxana uu warbixin ka siiyey arimaha ku saabsan shaqada iyo waxqabadka wasaaradiisa.

Wasiirka Qorsheynta Md sacad oo kulanka ka bacdi saxaafadda ugu waramayey barxadda dhismaha xarunta Golaha guurtida ayaa sheegay inuu gudida u gudbiyey warbixino ku saabsan hawlaha wasaaradda iyo waajibaadka qaran ee ay hayso, halka sidoo kalena uu wasiirku sheegay inay gudidu weydiisay su’aalo ku saabsan shaqooyinkii ay wasaaraddu ku hawlanayd muddooyinkii u dambaysay.

Gudoomiyaha Gudida siyaasadda arimaha dibadda iyo xidhiidhka caalamiga ee golaha wakiilada Somaliland oo isna kulanka ka hadlay ayaa sheegay in warbixinta wasiirka ay gaadhsiin doonaan fadhiga guud ee golaha wakiilada.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *