Wasiirka Qorshaynta Oo Dhagax-Dhigay Dhismayaal Telesom Ku Kordhinayso Jaamacadda Burco

Burco (Foore)- Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Md. Sacad Cali Shire iyo masuuliyiinta laamaha Dawladda ee gobolka Togdheer ayaa si wado jir ah u dhagax-dhigay dhismayaal ay Shirkadda isgaadhsiinta Telesom ay ku kordhisay Jaamacadda weyn ee magaalada Burco .

Dhismayaashan oo iskugu jira xarumo Kombuyuutaradda la dhigo oo ay ardaydu wax ku barato (Computer Science) iyo gobo kale oo ay ardayda Jaamacadda Burco ku nastaan ,kuwaasi oo ay mudo dheer Jaamacaddu u baahnayd .

C/Salaan Ismaaciil Nuur oo ku hadlayay magaca shirkadda Telesom ayaa ka hadlay dhismahan ay jaamacada u dhisayaan, waxaanu yidhi “Waxa farxad noo ah in aad nagala soo qaybgashaan mashruucan Dhagax dhiga ah ee aanu ka fulinayno Jaamacadda Burco ,waxaanu mashruucani qayb ka yahay mashaariic aanu dalka oo dhan ka fulinay oo ay ugu horeyso Jaamacadda Hargeysa ,waxaananu dhismahan marka uu dhamaado lagu baran doonaa kuliyada Kombayuutar Sayniska oo ay aad bulshadu ugu baahanayd.”

“Waxa kale oo aanu iyana halkan ka balanqaadaynaa marka uu dhismahani dhamaado in aanu qalabayntiisa fulino iyo wixii uu u baahanyahay sanadkasta . Waxaanu leenahay Shirkadda Telesom waxay qayb ka tahay horumarka wadanka,”ayuu Cabdi Salaan Ismaaciil Nuur.

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Dr. Sacad Cali Shire oo xafladaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay dhismahan ay Jaamacadda ugu deeqday Shirkadda Telesom waxaanu yidhi “Waxa runtii ii nasiib wanaag ah in aan la kulmo munaasibadan ay Shirkadu ku dhisayso Lap-kan Jaamacadda oo ay in badan u baahnayd ,waxaanu noqon-doonaa mid wax ka tara tayada ardayda Jaamacadda ee barata qalabka Kombayuutarka ,waxaanu u suurta galindoonaa ardayda in ay aqoontooda sare ugu qaadaan ,Shirkadda Telesom-na waxay safka hore kaga jirtaa Shirkadaha u taagan hadh iyo habeenba in ay ka qaybqaataan horumarka dalka iyo kobcinta aqoonta “

Waxa kale oo iyana kulankaasi ka hadlay Badhasaabka gobolka Togdheer Cabdoo Axmed Aayar ,Maayirka Degmadda Burco Maxamuud Axmed Xasan (Dhagolaab) ,maamulaha Shirkadda Telesom ee Togdheer Maxamuud X. Ibraahim iyo Guddoomiyaha Jaamacadda Burco Prof. Cabdi Dirir ,waxaaney dhamaantood hoosta ka xariiqeen muhiimada uu Jaamacadda u leeyahay mashruucan ay Shirkadda Telesom fulinayso iyo taageerada joogtada ah ee ay Jaamacadda siiso ,waxaaney sharaa’iga kale ugu baaqeen in ay ku daydaan.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *