BREAKING NEWS
Search

Wasiirka Qorshaynta oo aqoon isweydaarsi u soo gabo-gabeeyay Shaqaalaha Ha’yadaha dawliga ah

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaranka ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa Maanta u soo gabo gabeeyay qaar ka mid ah Hawl wadeenada laamaha dawlada aqoon isweydaarsi mudo Afar iyo Toban cisho ah uga socday huteelka Maansoor ee Caasimada Hargaysa.

Waxa xidhitaankii tababarkaasi ka hadlay Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire waxaanu tilmaamay in aqoon isweydaarsigan lagu baranayay qaabka loo saxo loona qorsheeyo baahiyaha Mustaqbalka ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Wadaniga ah ee dalka.

Wasiirku waxa uu sheegay in markasta oo heerka aqooneed ee hawl wadeenada laamaha dawladu kor u kacdo uu hagaagayo is fahamka iyo wada shaqaynta hay’adaha dhinaca maamulka qaabilsan iyo kuwa qorshayntu,waxaanu kula dardaarmay xubnihii ka qayb qaadanayay aqoon isweydaarsigani inay uga faa’iideeyaan Wasaaradaha ay ka kala socdeen .

Sidoo kale Agaasimaha Guud ee Agaasimaha Guud ee Wasaarada Qorshaynta Qaranka C.rashiid Axmed Guuleed ayaa sheegay in Wasaarada Qorshayntu ay sannadkan bilowday Tababaro lagu dhisayo Horumarinta iyo Habsami u socodsiinta hawl-galada ay qaadayaan Wasaaradaha iyo laamaha dawlada iyadoo la dabaqayo ayuu yidhi ku dhaqanka Qorshaha iyo Istiraatijiyada Shanta sanno ee u degsan Somaliland ,Agaasimaha Guud waxa uu u mahadceliyay Hay’ada FAO oo Wasaarada Qorshaynta Qaranka ka gacan siisa Tababaradan joogtada ah.

Waxaa kale oo Xidhitaankii tababarkaasi ka hadlay Madaxa Hay’ada FAO ee Somaliland Maxamed Jaamac Gahayr Waxaa kale oo Kulankaasi Goob joog ka ahaa xubno ka mid ah Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha dawlada.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *