BREAKING NEWS
Search

Wasiirka Madaxtooyadda oo Kormeeray Mashaariic Xukuumadda dhexe ka fulinayso Gabiley

Gabiley (Foore)- Wasiirka wasaarada madaxtooyada Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan , ayaa shalay kormeer ku tagay mashaariic lagu horumarineed oo ka socda gobolka Gabiley.
Wasiirka Madaxtooyadda waxa si diiran ugu qaabilay Gabiley badhasaabka gobolka Gabiley Yuusuf Ibraahim Geeddi , Maayarka Degmada Gabiley Shucayb Maxamed Muuse, xogyaha fulinta dawlada Hoose C/raxmaan Nuur Abokor, Taliyaha qaybta gobolka gabiley Saleebaan Ubaxleh Ducaale.
Wasiir Xirsi waxa uu booqday oo uu kormeer ku soo maray jidka u dhexeeya kala Baydh iyo Wajaale oo haatan dhismaheeda ay bilowday Wakaaladda wadooyinka Somaliland oo maamul ahaan hoos tagta wasaaradda Madaxtooyadda.

Md. Xirsi waxa kale oo uu kormeer ku soo maray dhismaha Guriga martida Gabiley iyo xayndaab laga hirgelinayo dooxa Arabsiyo oo loogu tallo galay in lagaga gaashaanto in daadadku khasaare u geysteen dadweynaha magaaladaasi.
Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka hadlayay ujeedada kormeerkiisa ayaa sharaxaad ka bixiyay ahmiyadda ay xukuumadda ugu fadhido mashaariicdan laga hirgelinayo gobolka Gabiley.
“Runtii aad baan ugu farxsan nahay mashruucii Madaxweynuhu dhagax dhigay oo maanta gabo -gabo maraya, kormeerkaygan maantu wuxuu ahaa inaanu soo eegno mashaariicda horumarineed ee ka socda gobolka Gabiley, una kuur galo xaaladooda,”ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyaddu.
Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu sheegay in Madaxweynaha Somaliland ay ka go’an tahay wax u qabashada dalka, waxaanu yidhi “Aad iyo aadna waan ugu farxsanahay sida wacan ee ay u socdaan, waxaan kormeer ku tagay wadada Wajaale iyo Kala-baydha isku xidhaysa, si fiican ayay u socotaa dhismaheedii, gabyanka lagu xidhayay xabaalaha Arabsiyana maanta gobo gabo ayay yihiin taasina waa himiladii madaxweyanaha ee la xidhiidha in wadanka iyo gobolkaba (Gabiley) wax loo qabto.”
Maayarka magaalada Gabiley Shucayb Maxamed Muuse, ayaa xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo uga mahad celiyay siday u fuliyeen balan-qaadyadoodii ku wajahnaa hirgelinta mashaariicdaas Wasiirku soo kormeeray.
“Mudane Wasiir hawshaa maanta aad qabateen ee xabaalaha intii Somaliland jirteyba way ka horeeyeen, waa xukuumadii koowaad ee ka damqata xabaalaha dooxu gurayo. Dawlada hoose ahaan waxaanu diyaar u nahay waxqbadka xukuumadu ku talaabsatay inaanu ka qayb qaadano,”ayuu yidhi Maayarka Gabiley.
Maayarka Gabiley waxa uu xusay inay diyaar u yihiin Dawlad hoose ahaan inay xukuumadda dhexe kala shaqeeyaan horumarka, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Jidkii Kala-baydh iyo Wajaale ee mudada badan la sugayey ee intaa aynu dalka ku jirney sugaynay, maanta ayay inoo bilaabantay. Waxaa maanta nasiib u helay hirgalinta wadadani Madaxweynaha Somlailnd, golaha deegaanka Gabileyna waxaanu diyaar u nahay inaanu ka qayb qaadano.”
Badhasaabka gobolka gabiley yuusuf ibraahin geedi oo halkaasi ka Hadley ,ayaa xukuumada ku Amaaney waxqabadka balaadhan ee ay ka wadaan gobolka gabiley waxaanu yidhi “Mudane Wasiir, waxaad aragtaa waxqabadka xukuumadda Siilaanyo, waxaa loo yaqaanaa xukuumadii waxqabadka, waayo laba sanadood iyo badh ayaa lagu muujiyey wax-qabad muuqda.wadada isku xidhaysa kala baydh iyo Wajaale dadweynuhu gobolka gabiley aad iyo aad ayey u farxeen dhismaheeda.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *