BREAKING NEWS
Search

Wasiirka Madaxtooyada Sln ayaa Xidhay laba Askari oo ka mid ah ilaalada madaxtooyada kadib markii ay baadhis ku sameeyeen gaadhigiisa.

Hargeysa (Foorenews) Febr 14,2013 – Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa xalay fiidkii xidhay laba ka mid ah ilaalada Madaxtooyadda Somaliland.

Askartan ayaa la xidhay ka dib markii ay baadhitaan ku sameeyeen gaadhiga Wasiir Xirsi oo galaya aqalka Madaxtooyada, waxaana la sheegay in askartu ay ku baadheen gaadhiga oo wasiirku saaran yahay qalabka gaadiidka hoostooda lagaga eego walxaha qarxa, taasi oo wasiir Xirsi ka cadhooday.

Wasiir Xirsi ayaa markaa ka dib la sheegay in amar uu bixiyey lagu xidhay labadan askari oo ka mid ah ciidamada ilaalada eek u qoran albaabka hore ee laga gallo Madaxtooyada, gaar ahaan qaybta baadhista walxaha qarxa ee ilaalada Madaxtooyada.

Askar ka mid ah ilaalada Madaxtooyada oo foore arintan wax ka waydiisay ayaa si kooban u sheegay in xadhigaasi jiro, balse aanay garanayn sababta baadhitaanka ay sameeyeen loogu xidhay, sidoo kale taliyaha ciidamada ilaalada Madaxtooyada Faysal Kaamil Ciise oo aanu la xidhiidhnay ayaa ka gaabsaday inuu arintan ka hadlo telefoonkana nagu dhigay.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *