Search

Wasiirka Madaxtooyada Oo Ka Hadlay Sida Beesha Caalamku Uga Gaabisay Aqoonsi Iyo Taageero Dhaqaale Oo Ay La Garab Istaagaan Somaliland

Addis Ababa (Foore)- Wasiirka madaxtooyada Somaliland Mudane Xirsi Cali X. Xasan, ayaa sheegay in xukuumaddu guul ka gaadhay waxyaalo badan, welina ay hawl- gal ugu jirto ka dhabayntii qorsheyaashii xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE.

Wasiirka oo u waramayey wargeyska todobaadlah ah ee Sub-Saharan Informer ee dalka Ethiopia, waxa uu ka hadlay waxyaabaha xukuumada uu ka midka yahay uga qabsoomay dhinacyada dhaqaalaha,waxbarashada, caafimaadka, nabadgelyada iyo hawlaha kale ee qaranka.

Wasiirka oo arrimahan ka hadlayey ayaa wargeysku ka soo xigtay “ Waxaan tusaale kaaga soo qaadi karaa dhinaca miisaaniyada saddexdii sanadood ee la soo dhaafay, 46 million oo Dollar oo keliya ayuu ahaa sanadkii 2010. Sanadkii ku xigay ee 2011-na miisaaniyadu waxay noqotay laban-laab 86 million oo Dollar, halka sanadkan lagu jiro ee 2012-na ay sare ugu sii kacday 106 million Dollar, waxaanu ku han weyn nahay in aanu sanadba sanadka uu ka danbeeyo sii kobcino. Waxaanu maamulay cashuurtii, dakhligii soo xeroonayeyna waanu kordhinay”.

Md. Xirsi Isaga oo sii watay waxa kale oo uu yidhi “ Dawladu waxay lacag la’aan ka dhigtay dugsiyada hoose/dhexe, waxa la abuuray gudiga tacliinta sare, 40 dugsi,ayaa laga dhisay meelaha miyiga ah, taas oo fursad u siinaysa dadka aan magaalooyinka joogin inay waxbarasho helaan, waxaanu xidhiidh la yeelanay dawladaha Ethiopia, Turkish, Sudan, Malaysia iyo Masar oo aanu deeq waxbarasho uga helay 300 arday”.

Dhinaca caafimaadka waxa uu sheegay in waxyaabo badan laga qabtay waxaana uu tusaale u soo qaatay cisbitaal dhismihiisu Hargeysa ka socdo ee dawlada talyaanigu ka caawinayso. Sidoo kale dhinaca biyaha ayuu ka hadlay waxaanu soo qaatay sahamin dhinaca biyaha ah oo dalka dhan laga sameeyey iyo 30-40 ceel oo la qoday iyada oo ay maalgelisay dawlada Kuweyt.

Wasiirka Madaxtooyaddu oo uu ka hadlay dayactirka madaarrada dalka, waxaanu yidhi “ Waxa intaa dheer Madaarada Hargeysa, Berbera iyo Burco oo dhismeyaal dib u ballaadhin ahi ka socoto, iyada oo madaarka Burco dib u dhiskiisu ka dhexeeyo bulshada iyo dawlada ayey xukuumadu ku darsatay afar boqol oo kun Dollar”.

Xirsi waxa uu Subsaharan Informer u sheegay in ay hamiga dadkan iyo dawladiisaba tahay in wax badan la qabto balse waxa uu yidhi “ Ma hayno deeq bixiyayaal maalgeliya dalkan soo kobcaya, beesha caalamku aqoonsi namay siin, xitaa nagumay abaalmarin nabada iyo hanaan-dawladeedka dimuquraadiga ah ee aanu mudada ku dhaqmaynay, waxaanu soo maray saddex madaxweyne oo hore, haatan madaxweyne Siilaanyo waa hogaamiyihii afraad marka laga soo bilaabo sanadkii 1990, waxaan sii wadaynaa dedaalkayga iyo hamigayaga, waxaanan rajaynayaa in aanu arrimahaas dhaxalkooda heli doono, cadaaladuna xagayga noqon doonto”.

Wadooyinka Borama –Hargeysa oo shaqo ka socoto, ayaa ka mid ah waxyaabaha wasiir Xirsi ka hadlay, sidoo kale magaalada Togwajaale ee xuduud Somaliland iyo Ethiopia, ayaa shaqadeedu socotaa waxaana wadajir u wada bulshada iyo xukuumada, waxaana uu sheegay in lagu wado in la dhameeyo labada sanadood ee soo socda.

Dhinaca siyaasada waxa uu sheegay in wasiirada xukuumadiisu ansixiyeen siyaasada in da’yartu ka qayb qaadato tallada dalka (youth policy), isaga oo sheegay in doorashooyinka ugu horeeya ee qabsoomi doona bisha November 2012 oo ah doorashooyinka dawladaha hoose ay ka qayb qaadan doonaan dhalinyaradu lana filayo in dhalinyaro dhiig cusub oo waxbaratay ka soo bixi doonaan. Dhinaca haweenka iyo siyaasada oo uu soo qaatay ayuu sheegay in xukuumadani haweenka u qorshaysay kuraasi badan oo goleyaasha ah, golaha xukuumada uu ka tirsan yahana ansixisay balse uu aanu ka gudbin dhinaca Barlamaanka.

Mr Xirsi waraysiga uu siiyey wargeyska waxa kale oo uu yidhi “ waxaan wax fudud ahayn dib u furistii ururada siyaasada oo ahayd hawl adag, balse madaxweyne Siilaanyo wuu ku dhiiraday nidaamkaasina haatan waxa uu soo kordhiyey lix urur oo cusub iyo 3 xisbi ooh ore u sii jiray taas oo keenaysa in haatan ay 9 xisbi u tartamaan doorashooyinka deegaanka”.

Ta ugu danbaysa oo uu ka hadlay waxay ahayd sida ay uga go’an tahay xukuumada uu ku jiro in ay hannaan doorashooyinka u diyaariso si nabad gelyo ah, dimuquraadi ah aan carqalad lahayn. Waxaana uu taa ka midha dhalinteeda u soo qaatay iyada oo xukuumadu boqolkiiba 33% bixisay dhaqaalaha lagu qabanayo doorashooyinka, taas oo uu tilmaamay in ka badan tahay intii xukuumadii hore boqolkiiba 25% ku dartay.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *