BREAKING NEWS
Search

Wasiirka Maaliyadda Oo Masuuliyiin Cusub U Magacaabay Xafiisyo Ka Mid Ah Wasaaradda

Hargeysa (Foore) Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Md. C/casiis Maxamed Samaalle ayaa shalay Xilalkii ka qaaday masuuliyiin ka tirsan Waaxda Xisaabaadka, Kasamadda Qaarkood iyo Cashuuraha Berriga ee wasaaradda Maaliyadda ee Xarunta Hargeysa iyo Gobolka Togdheer.

Masuuliyiinta oo xilalkii ay hayeen laga qaaday waxa ka mid ah Xisaabiye ku-xigeenka Guud oo uu u reebay Xilkaas oo kaliya balse Xilal u wehelinayay loo magacaabay Masuuliyiin kale, sidoo kale waxa uu xubno cusub u magacaabay qaybaha kala ah Chief Examiner, Checking-ka, Fawt Book, Xisaab xidhka, Khasnada Guud, Kantaroolka iyo Xafiiska Cash-ka ee Gobolka Maroodi-jeex.

Maaamulayaasha cusub ee uu xafiisyadaas u magacaabayna waxay kala yihiin:-

Xafiiska Xisaabaadka Guud

Chief Examiner, waxa loo magacaabay Warsame Axmed C/laahi.
Fawt Book(Hubinta) waxa loo magacaabay Cismaan Caabi Ducaale.
Xisaab Xidhka waxa loo magacaabay Khadra Xasan Axmed.
Qasnada Guud waxa loo magacaabay Idiris Xuseen Sareeye.
Qaybta Kantaroolka waxa loo magacaabay Yaasiin Ducaale Barre.
Maamulaha Kastamka Burco waxa loo magacaabay Saalax Cawil Naxar.
Maamulaha Kastamka Beer waxa loo magacaabay Mustafe Cali Cabdi.
Maamulaha Kastamka Caynaba waxa loo magacaabay Mustafe Maxamed Maxamuud.

Cashuuraha Berriga

Maamulaha Cashuuraha Berriga ee Gobolka Tog-dheer waxa loo magacaabay C/risaaq Jaamac Maxamuud.

Isku shaandhayntan ayaa ah tii ugu horaysay ee lagu sameeyo Xafiiska Xisaabaadka Guud ee Qaranka, Cashuuraha Berriga Togdheer iyo Kastamka Burco, waxaana la filayaa in ay si dhakhso ah ula kala wareegi doonaan xilalkaasi.
Wasiirku wuxuu hore isugu bedelay Maamulayaashii Kastamadda Berbera, Kalabaydh, Abaarso, Awdal, Saylac iyo xafiiska Cashuuraha Berriga ee Gobolka Maroodi-jeex.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *