Wasiirka Maaliyada Somaliland Oo Golaha Wakiillada Xog-waran ka siiyay Miisaaniyada 2012-ka

Hargeysa Foore)-Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa maanta xog-waran la xidhiidha miisaaniyada qaranka ee sannadka 2012-ka siiyay Golaha Wakiillada Somaliland.

Fadhigii maanta oo uu shirguddoominayay Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayay Mudanayaashu warbixin kaga dhegaysteen Wasiirka Maaliyada oo faahfaahin ka bixiyay korodhka sannadkan ee miisaaniyada, isagoo xusay inay ku dedaaleen sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen cashuurta bariga oo uu tilmaamay inay tahay dakhliga ugu badan ee dalka soo gala.
Wasiirka Maaliyadu waxa uu sheegay in qorshayaashooda ugu waawayn ay ka mid tahay sidii ay shaqaalaha iyo ciidamada qaranka ugu kordhin lahayeen markale mushaharka“Waxaanu kordhinay dakhli soo saarkii, waxaanu samaynay diiwaangelin. Dhibaatooyinka yaallay waxa ka mid ahaa shaqaalaha iyo ciidamada oo mushahar aad u yar qaata, waxaananu isla qaadanay in ciidamada iyo shaqaalaha ahmiyad wayn la siiyo, markaa waxaanu kordhinay mushaharkii 100%, inkastoo aanu wali ku filnayn, insha allah waxaanu samayn doonaan kaabis miisaaniyadeed sannadka badhkii haddii ay noo suurogasho si ciidamada iyo shaqaalaha loogu kordhiyo mushaharka.”Sidaa ayuu yidhi Wasiirku Maaliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi.

Wasiirka Wasaaradda Maalida Eng Maxamed Xaashi Cilmi waxa uu sheegay in dhakhliga gala xarunta Madaxtooyadu uu qoran yahay oo madaxweynaha maalinta la badelo uu ka qaadan karo dharkiisa iyo wixii u gaar ah “ Madaxtooyada qalabkeedu waa uu diwaangashan yahay, ilaa mulqaacadu waa ay qoran tahay, maalinta Madaxweyanaha la badelo waxa uu qaadan dharkiisa iyo wixii u gaar ah, ta kale kolka wasiir cusub yimaado wasiirku wasiirka ka tirsan maaye liis qoran oo hore u yiilay ayuu ku tirsanayaa , oo ay ku wada jiraan wixii qalab ahaa iyo wixii uu masuulka ka ahaa si loo hubiyo in aan waxba lumin ama aanu wasiirkaas wax ku takri falin.”
Waxa kale oo ka hadlay sababta dib u dhacu ugu yimid miisaaniyada oo markii hore la qoondeeyay in golaha Wakiilada la hordhigo bishii December ee sannadkii hore“ Miisaaniyadan aan maanta idiin keenay ee 2012 habsaan yar baa ku yimid, oo waxa ay ahayd in aan December keeno, habsaankaas waxa sababay tirakoobkii ciidamada Qaranka, hadday yihiin ciidanka milatariga , booliska , asluubta, ciidanka badda iyo ka Madaxtooyada , ciidamadaasoo tirakoobkoodii dib u dhacay ,lixaa weyna ka qaada miisaaniyada, ayaa dib noo riixay sida runta ah,laakiin waanu ka soo horaynay sidii dhici jirtay”Ayuu sii raaciyey hadalkiisii wasiirka Maalida Somaliland Eng Maxamed Xaashi Cilmi
Waxa kale oo uu Wasiirka Maaliyadu sheegay inay waxyaabaha ay qabteen ka mid yihiin dugsiyada hoose dhexe oo ay lacag la’aan ka dhigeen.
Sidoo kale, Xisaabiyaha Guud ee Qaran Maxamed Cabdi Bade ayaa isaguna tafaasiil ka bixiyay heerarkii ay soo martay miisaaniyada korodhkeedu intii Xukuumadda cusubi jirtay waxaanu tilmaamay in sannad kasta ay wax ku kordheen sannadki u dambeeyay ay odoroska miiyasaaniyadu ay korodhay 21%.

Agaasimaha Guud Waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda Maaliyada ayaa isaguna faahfaahin ka bixyay mashaariicda horumarineed ee kui jira miisaaniyada. Isagoo xusay in hay’adihii madaxa banaanaa dhamaantood ay miisaaniyadoodu la socoto sannadka, sida madbacada qaranka wakaaladaha Biyaha, dekeda iyo wakaaladaha korontada.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *