Search

Wasiirka Duulista Oo Shaaciyay Inuu Han Madaxweyne Leeyahay Hogaaminna Karo Umad Balaadhan, Hankiisu Waaqaca La Shaqaynayo

“Hanbaan Leeyahay, Buurtaa Dheer Ee Halka U Saraysaa Madaxweyne Tahay Hoosta Ayaan Ka Soo Fuulay, Ma Deg Degsani, Ma Lihi Imika Ayaan Sharaxanahay,Laakiin Ma Han Lihi”.

Hargeysa (Foore)- Wasiirka Wasaarada Duulista Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa Shalay ka hadlay hankiisa siyaasiga halka uu gaadhsiisan yahay isagoo sidoo kale ku faanay inaanu siyaasada wasiirnimo ka bilaabin ee uu ka soo bilaabay meel hoose,waxa uu ka soo sheekeeyay xilalkii kala duwaa ee uu wasiirnimada ka hor soo qabtay,isagoo carab ku adkeeyay inuu sidoo kale ka soo qayb qaatay halgankii Dalka lagu soo xoreeyey islamarkaana uu ururkii SNM ku biiray markii uu dugsiga sare dhameeyay. Wasiirka Wasaarada Duulista Somaliland Maxamuud Xaashi Cilmi ayaa sidan ka sheegay maruu warbaahinta qaar ugu waramay Garoonka Diyaaraduhu ka haadaan ee Cigaal ee Magaalada Hargeysa,waxa uu sheegay inuu han madaxweyne leeyahay islamarkaana rajaynayo inuu maruun majaraha dalka u qabto,isagoo hadalkiisu ku soo beegmay wakhti bulshadu u dhegtaagayso rag uu isagu ku jiro oo suuqa la soo galiyay inay iska dhex sharaxayaan Xisbiga Kulmiye,waxaana hadalkiisa ka mid ahaa “Siyaasada kama bilaabin Wasiirnimo,waxaan ka soo bilaabay meel hoose,anigoo labaatan jir ah oo dugsigii sare ka baxay ayaan ku biiray Ururkii SNM,Maamulo ayaan soo qabtay,Buurtaa dheer ee Halka u saraysaa Madaxweyne Tahay hoosta ayaan ka soo foqay,Maayar ayaan soo noqday,Xildhibaan ayaan noqday. Waxa uu sheegay inuu aaminsan inuu isku arko inuu hogaamin karo dalka oo ay khibradiisu gaadhsiisay isagoo sheegay inaanu odhan Karin imikaan sharaxan nahay balse aanu han la’ayn waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Han weyn ayaan leeyahay,Dabcan Qofka Bini-aadanka ahina han wuu leeyahay, Han weyn ayaan leeyahay, Waxaan Qabaa Inaan Hogaamin Karo Umad Balaadhan,Inaan Horumar Balaadhan Samayn karo,laakiin Hankaygu waa mid waaqaca ka turjumaya,Ma deg degsani,Ma lihi imika ayaan sharaxanahay,laakiin ma han lihi”.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *