Wasiirka Diinta iyo aw-qaafta Somaliland Oo Sheegay In La Dhamays Tirayo 30ka Ramadaan

Hargeysa( Foorenews) Wasiirka Diinta iyo aw-qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa Caawa shaaca ka qaaday in ay maalinta Bariya ay Ramadaan tahay.

 

Wasiir Khaliil  wuxuu sheegay  in la dhamaystiri doono sodonka Ramadan, waxaanu intaas ku daray inay sidaas ku xaqiijiyeen kadib markii ay wadamo badan oo Islamka ah la sameeyeen xidhiidh.

 

Sidaasina waxa uu Wasiir Khaliil u sheegay Idaacada Afka Dawalada ku hadasha ee Radio Hargeysa oo uu caawa la hadalay, waxana uu Sidoo kalena sheegay in aan Somaliland Guud ahaan laga arag Bisha isla marknaana ay la hadleen gobolada iyo qaybo ka mida dalalka jaarka.

Wasiirka wasaaradda diinta iyo aw-qaafta Sh Khaliil Cabdilaahi Axmed sheegay in Maalinta Axada 19ka bisha Ausgst ay tahay Bisha Shuwaal Kow tahay lana iidayo Hadii EEBBE idmo.

 

 

Foorenews/HargeysaOffice

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *