Wasiirka Dib U Dejinta Oo Ka Warramay Wixii U Qabsoomay 2011

Hargeysa (Foore)-Wasiirka wasaaradda Dib u Dejinta ee Somaliland Mudane Cabdirisaaq Cali Cismaan ayaa shalay ka Xog warramay waxqabadkii wasaaradda u hirgalay Sannadka 2011 ee Gabo gabada ah iyo Qorshaha ku tallo gal ee Sannadka cusub ee fooda inagu soo haya.

Wasiirku waxa uu sheegay inuu Mas’uuliyadda wasaaraddan hayay Muddo Toddoba Bilood ah isagoo xusay inay istaraatiijiyad u sameeyeen barnaamijyadii dhinaca beeraha ee ay hirgelinaysay hay’adda WFP, isla markaana wasaarad ahaan ay dabagal sameeyeen.

Mudane Cabdirisaaq Cali Cismaan waxa uu sheegay in Wasaaradda dib u dejintu ay door ballaadhan ka qaadato mashaariicda Ceelasha Biyaha ee gobolada bariga, halka sidoo kalena dadka reer guuraaga ah ee abaaraha ka barakacay ee dib loo deegaamaynayo ay wasaaraddu ka leedahay Siyaasad Cad oo mashaariiceed, isagoo intaas ku daray dadkaas lagu xooleeyay Saddex kun iyo Todoba Boqol Neef oo Lo’ iyo adhi isugu jira.

Wasiirka Dib u dejinta ee JSL waxa uu ka war bixiyey dib u dhis iyo qalabayn lagu sameeyey wasaaradda gaar ahaan xarunteeda Caasimada Hargaysa iyo weliba dayactir lagu sameeyay gaadiidka Wasaaradu ku hawl gasho.
Warbixin sannadeedka wasiirka waxa lagu xusay in dawladdu qorshe cad ka yeelanayso arrimaha barakacayaasha isla markaana aanay hadda ka dib dhacaynin in cid waliba meel bac ku xidhato amase ay sheegtaan barakacayaal.
Gebagebadii warbixinta wasiirka Dib u dejinta JSL Mudane Cabdirisaaq Cali Cismaan waxa uu sheegay in qorshayaasha sannadka Cusub ay ku jirto in kormeero badan lagu soo maro gobolada iyo degmooyinka waddanka, si loo ogaado mashaariicda ay wasaaradani ka hirgelin doonto




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *