Wasiirka Daakhiliga Oo Sheegay In Ay Gacanta Ku Dhigeen Kooxo Lagu Tuhunsan Yahay Dilkii Seemaal

Waxa Uu Farriin U Diray Kooxo Uu Ugu Yeedhay Afku-Dhiiglayaal 

Hargaysa (foore)-  Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Md. Maxamed  Nuur Caraale (Duur) ayaa ka haddlay falkii Saddexda Qof ee  Rayidka ah lagu dilay deegaanka Seemaal iyo qofkii ka dambeeyey ee deegaamadaasi lagu dilay isaga oo sheegay in ay gacanta ku hayaan rag dhawr ah oo lala xidhiidhinayo dhacdadaasi foosha xun kuwo kalena lagu daba jiro, sida ugu dhakhsaha badana loo hor keeni doono caddaaladda. Wasiirku waxa uu farriin waano ah u diray dadka sida taban uag hadlaya dhacdadaasi oo uu ku tilmaamay kuwo afku-dhiiglayaal ah.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale oo waraysi siinayay telefishanka qaranka Somaliland ayaa sheegay in uu falkaasi ahaa mid waxshinimo Somaliland-na wax lagu yeelayo sida uu sheegay wasiirka oo tilmaamay  in ay qodobo heshiis ah la galeen odayaasha beesha dhibta loo gaystay, heshiiskaasi oo ah inay  xukuumadda ka war sugaan inta ka horraysana ay sugaan nabagelyada.

Wasiir Maxamed Nuur Caraale (Duur) waxa uu sheegay in ay nasiib darro noqotay oo dhinicii kalena ay dil gaysteen haddana uu khasaaruhu marayo  Sadex dhinac ah iyo hal qof oo dhinac kale soo jeeda. Wasiirka daakhilaga oo ka hadlay ilaa imika halka ay marayso hawsha baadhitaanka ayaa xusay inay gacanta ku hayaan dad eedaysanayaal ah, isla markaana ay ku daba qaar kale oo aan wali la soo qaban,  balse sida ugu dhakhsaha badan loo soo qaban doono haddii Allaha awoodda lihi ogolaado sharcigana la hor gayn doono.

 

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Md. Maxamed Nuur Caraale oo sharaxaya sida ay wax u dhaceen ayaa yidhi: “Arrintani waxay ahayd colaad Abuur iyo sumcad dil qaran waayo, waxay ku beegantay wakhtiyo gobolada Barri ay ka jirto xasaasiyad, gaar ahaan gobolka Sanaag oo aan nabad ku soo dhamaaday, waxayna ahayd wakhti  lagu beegay shirkii Somaliland lagu qabtay kaasi oo lagu gorfaynayay nabadda. Shirkaasi oo ay ka soo qayb galeen dhamaan Hay’addaha caalamiga ah ee Qaramada midoobay iyo wadanka Ingiriisku.Wasiir duur ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin ka xukuumad ahaan Tacsina u dirayaan dadkii ay ka baxeen eheladoodu.

“Arrintaasi aad ayaan uga xumahay, waxaanan u aragnaa dhaawac qaranka gaadhay intii Seemaal ku dhimatay iyo intii ka dambaysayba Waxaan u diraynaa tacsi.”ayuu yidhi wasiir Duur, waxaanu intaasi ku daray “Ciidan aad u badan oo boolis ah ayaa gaadhay goobtii waana ciidan ku filan waxaanu wada hadal la galay odayaasha beeshii dadka laga laayay. Markaasi oo uu khasaaruhu uu ku eeka Saddex qof , Odyaasha waxaan isla garanay in Xukuumadda laga War sugo wax ka qabashada Falkaasi ee aanay iyagu fal aargoosi ah ku dhaqaaqin, fol xumadii dhacdayna aanay mid kale ku biirin”.

Wasiirka ayaa nasiib daro ku tilmaamay in darraad uu dil kale ka dhaco deegankaasi in ay halkaasi ka shacday ballan darro uu sheegay in ay la galeen odayaasha beesha dhibta loo gaystay waxaanu farta ku fiiqay in aan Nabada ninka xumeeya aan Sinaba looga Xishoonayn shaadhka uu doono hasitee.

“Ciddii falkaasi wax ka gaysatay meel  kasta oo ay joogan  gacanta ayaan ku dhigaynaa nabadda ilaalinteeda ninna loogu tudhi maayo,  nin magac lehna looga tudhi maayo,  Nin wax soo gaystay oo caan balaayo ahna looga biqimaayo nabadana waa la sugayaa” ayuu yidhi wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland.

Wasiirka ayaa sheegay in xukuumaddu hayso rag eedaysanayaal ah oo ay baadhisi ku socoto kuwo kalena lagu daba jiro, waxaanu shacabka ugu baaqay in ay nabadda sugaan oo aanay dhegta u dhigin kuwa durbaanada colaadeed tumaya ee aan nasteexa ahayn sidoo kalena wax auu saxaafadda u diray farriin uu ku boorinayo in ay ka taxadaraan wararka xasaasiga ah ee ay qorayaan.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *