BREAKING NEWS
Search

Wasiirka Daakhiliga Oo ka hadlay Olalaha wax ka qabashada Bilicda Caasimadda Hargeysa

Hargeysa (Foore)-Wasiirka wasaarada Arrimaha Gudaha ee Somaliland Mudane Maxamed Nuur Caraale (Duur) ayaa maanta tafaasiil ka bixiyay hawl-galkii ay dawlada hoose ee Hargeysa ku banaysay Jidka badhtamaha caasimadda Hargeysa. waxa uu Wasiirka Arrimaha Guduhu ku dheeraaday sida ay daruuriga u tahay in la habeeyo Shaaricyada magaalada Hargaysa si ay u muuqato bilicdeeda.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Somaliland Mudane Maxamed Nuur Caraale (Duur), waxa uu sheegay inaanay jirin baahi kalifi karta in dadku ay soo galaan si ay ugu ganacsadaan wadada dhexdeeda, taas oo uu xusay inay khatar gelin karto noloshooda.

Wasiirku wuxuu bulshada u soo jeediyay inay fahmaan in Jidadku ay yihiin meelaha ummada ka wada dhexeeya isla markaana aanay cid gaar ahi sheegan Karin.

Md. Maxamed Nuur Carraale (Duur) waxa uu hoosta ka xariiqay in talaabadan ay ka wada hirgelin doonaan Magaalooyinka waaweyn ee dalka si loo soo celiyo bilicda magaalooyinka. waxaanu intaas ku daray inay dadka u sameeyeen suuqyo gaar ah oo ay ku ganacsan karaan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha mar uu ka hadlayay Markab u rarnaa Ganacsato Somaliland u dhashay oo koox budhcad badeed Somalia ahi ku afduubeen xeebta wadanka Cumaan ayaa ugu baaqay inay soo daayaan Markabkan maadaama oo uu u rarnaa ganacsato Somaliland ah.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *