Search

Wasiirka Cukuse Oo Shaaciyay In Musharaxa KULMIYE Yahay Madaxweyne Siilaanyo, Masuuliyiinta Kulmiyana Uga Digay Habka Beelaysan Ee Ay Wax U Wadaan.

Dublin(Foore) – Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigalinta Jamhuuriyadda Somaliland isla markaana ah Af-hayeenka Dawladda Md Cabdilaahi Daahir Cukuse ayaa shaaca ka qaaday in Madaxweyne Siilaanyo yahay Musharaxa Xisbiga Kulmiye, waxa kale oo uu Mudane Cukuse Fariin toos ah u diray Masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye oo uu uga digay inay ka waantoobaan inay Golaha dhexe u kala saarsaaraan Ardaayo iyo hab beelaysan.
Wasiirka Warfaafinta Somaliland Md Cabdilaahi Daahir Cukuse ayaa ka mid ah waftiga Madaxweyne Siilaanyo raacay waxaanay Fariintiisani Cukuse ay u muuqaataa mid toos ugu socota Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo maalmihii u danbeeyay qaab beelaysan ula kulmayay Xubnaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye.Mudane Cukuse ayaa hadalkan ka jeediyay Madal uu Madaxweyne Siilaanyo fadhiyay oo ahayd Magaalada Deblin ee Dalka Ireland,waxanay wakhtigaasi Madaxweynaha iyo Waftigiisu kulan la qaateen Jaaliyadda reer Somaliland ee Dalka Ireland. Wasiir Cukuse ayaa isagoo arintaa ka hadlay yidhi “Madaxweyne ayaynu leenahay, inta aynu ognahayna musharaxeenu waa isaga. Musharaxeenu waa madaxweynaheena Axmed Maxamed Siilaanyo.Maadaama madaxweyne Siilaanyo tiir adag u ahaa dimuqraadiyadda dalka ka dhaqan galaysa,madaxweynuhu wuu ogol yahay in shirka golaha dhexe ee la imanayo lagu tartamo oo muwaadin kasta oo xisbiga ka mid ahi ku tartamo halka hankiisu gaadhsiisan yahay,” ayuu yidhi Wasiir Cukuse.
Intii uu Madaxweyne Siilaanyo safarkiisan ku gudo jiray waxa dalka ka taagnaa ruxan xoogan oo ay lulayeen ragga loolanka ugu jira inay musharax Madaxweyne u noqdaan Kulmiye Siilaanyo dabadii,Waxaanay shacabka reer Somaliland ku jahawareereen xaalada Siyaasadeed ee ka taagan Xisbiga Kulmiye. Iyadoo aan Madaxweyne Siilaanyo wali ka tanaasulin musharaxnimada Xisbiga Kulmiye islamarkaana aan sihoose iyo si sare toona u shaacin ayaa hadana waxa ay rag masuuliyiin ka ah Xisbiga kulmiye bulshada u sheegayaan inaanu doorkan Madaxweynuhu sharaxnayn. Fariinta Cukuse ayaa irbad Suuxiso ah ku noqonaysa raggii maalmihii u dambeeyay ku mashquulsanaa Golaha dhexe ee Huteelada intay kula shiraan u sheegayay inay codkooda siiyaan iyadoo uu Madaxweyne Siilaanyo sharaxan yahay. Wasiir Cukuse waxa uu ka digay inaan shirka golaha dhexe la qabyaaladayn,waxaana uu yidhi “ Waa inaan loo fahmin shaqo qof doonanayo, waa inaan loo fahmin xil qabiil helayo ama qabiil ku faa’iidayo ama qabiil ku khasaarayo, sidaas maaha, waa xil aynu wada leenahay, waa xil qarankuk wada leeyahay. Waa xil la doonayo in umadda oo dhammi wada dareento inay wada leeyihiin, waana masuuliyad culus, Illaahayna ha inagu asturo shirkaas golaha dhexe,” ayuu yidhi Wasiirku.
Wasiirku waxa uu intaasi ku daray “Waxaynu u baahannahay inaynu nabad galyada ilaashanno, waxaynu u baahannahay inaynu isku duubnida ilaashanno, waxaynu u baahannahay inaynu dimuqraadiyadda ilaashanno, waxaynu u baahannahay inaynu midnimada ilaashanno oo qabyaaladda iyo ardaayada dadka loo kala fadhiisinayo aynu ka dayno.” Gabagabadii haddiiba ay dhabtahay Musharaxnimada Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud(Silaanyo),waxa ay meesha kasaari doontaa buuqa iyo sawaxanka mar qudha isla oogsaday ee ka dhashay loolanka ay iskula jiraan,Xubnaha isku haysta Jagada Musharaxa Xisbiga Kulmiye Madaxweyne Siilaanyo dabadii.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *