BREAKING NEWS
Search

Wasiirka Cadaaladda Oo Jawaab Ka Bixiyay Eedo Uu Xildhibaan Wakiilada Ahi U Jeediyay Xukuumadda

Hargeysa (Foorenews)- Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka Somaliland Md. Xuseen Axmed Caydiid ayaa shalay jawaab ka bixiyay Eedaymo uu Guddoomiyaha Guddi hoosaadka shuruucda ee golaha Wakiiladda Md. C/Raxmaan Cismaan Caalin uu ku naqdiyay Guddi Wasiirro ah oo madaxweynuhu u xil-saaray inay macluumaad ka soo ururiyaan galdaloolooyinka garsoorka oo uu Xildhibaanku ku dooday inay Gudidaasi wax u dhimayso madax-banaanida Garsoorka.

Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka Md. Xuseen Axmed Caydiid waxa uu sheegay in xukuumaddu ay dhawrto madax-banaanida Garsoorka iyo toosintoodaba. Sidaasna waxa uu ku sheegay war-saxaafadeed dheer oo uu maanta soo saaray, kaasi oo u dhignaa sidan:-

Bayaan

Waxa kulankani ku saabsan yahay in aan jawaab ka bixinno eedaymo Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxmed Maxamuud (Siilanyo) iyo aniga oo ah oo Wasiirkii Cadaaladda uu Mudane ka tirsan Golaha Wakiiladda oo la yidhaahdo Cabdiraxmaan-Dheere u soo mariyey jaraa’idka Ogaal iyo Waaheen cadaddadoodii soo baxay maalintii khamiista ee 23/08/12 iyo eedaymo uu nin kale oo lagu sheegay qareen madaxbannaan oo la yidhaahdo Maxamed Abokor ku qoray jariidadda lagu magacaabo Hubaal cadadkeedii soo baxay 23/08/12 oo isna eedaymo u jeediyey Madaxweynaha iyo Xukuumadiisa.

Waxyaalaha ay raggaasi ku saleynayeen eedaymahaasi waxay ahaayeen Guddi ka kooban Golaha Wasiirrada oo uu Madaxweynuhu u xilsaaray inay warbixin ka keenaan cabashooyin dadweynuhu ka muujiyaan Cadaaladda dalka oo ay leeyihiin “waxay tallaabadaa Madaxweynuhu meel kaga dhacaysaa madaxbannaanidii garsoorka.”

Haddaba, marka hore waxaan ka hadlayaa madaxbannaada Waaxda Garsoorka iyo sida aanay madaxbannaanidaasi u noqon kareynin wax mudlaq ah oo aan cid la xisaabtami kartaa jirin.

Waa dhab oo Dastuurku wuxuu abuuray Waax garsoor, waxaanu u-madax-banneeye hawsheeda. Qodobka 97aad ee Dastuurku wuxuu u dhiga yahay sidan:

1. Waxa Qaranku yeelanayaa Waax Garsoor, oo hawsheedu tahay
u gar-naqa ka dhaxeeya Dawladda iyo dadka; iyo dadka dhexdooda.
1. Waaxda Garsoorku waxay hawlaheeda u fulinaysaa si Dastuurka waafaqsan, iyada oo ka madax-bannaan waaxyaha kale ee Qaranka.
Awooda uu Dastuurku Waaxdan siiyeyna waxa faahfaahiyey Qodobka 98aad ee Dastuurka ee u dhigan sidan:
1. Garsoorku waxa uu awood gaar ah u leeyahay:
b) In uu fasiro micnaha xeerarka ka soo baxa Golayaasha dastuuriga ah iyo xeerarka degdegga ah iyada oo la raacayo Dastuurka;
t) Inuu ka garsooro khilaafka ka dhex abuurma laamaha Dawladda oo dhinac ah iyo xubno ka tirsan dadweynaha oo dhinac ah ama dadweynaha dhexdooda.
j) Inuu ka taliyo muran kasta oo Ia xidhiidha waafaqsanaanta Dastuurka.

1. Ma bannaana in garsooruhu qabto shaqo kale inta uu hayo xilka Garsoorka.

1. Daryeelka ku habboon garsoorayaasha xeer baa nidaaminaya

Horta hawsha Dastuurku u madaxbanneeyey Waaxda Garsoorka ee u yidhi “Waaxda Garsoorku waxay hawlaheeda u fulinaysaa si Dastuurka waafaqsan, iyada oo ka madax-bannaan waaxyaha kale ee Qaranka,” waa intaas sare ku xusan. Wixii kale ee awood ah ee Xeer kale lagu siiyo kumaan darin oo iyaguna leh xaqdhariddooda.

Haddii cabashooyinka ka yimaadda dacwadaha ay dawladdu dhinac ka tahay ay ka badan lahaayeen cabashooyinka ka yimaadda dacwadaha dadweynaha dhexdooda ah waxaaba iman lahaa dareenka ah in cidi faro-gelineyso garsoorka; waxaana taladu ahaan lahayd “in halkaa la hubiyo”; haddii se sida iminka jirta cabashooyinkuba yihiin gebi ahaanba ama 95% dacwadaha u dhexeeya dadka dhexdooda, oo dacwadaha lagaga cabanayo in si badheedh ah looga xukumay qofkii xaqa u lahaa lana siiyey kii aan xaqa u lahayn, ma faro-gelin xukuumadeedbaa loo aanayn karaa?

Hal-beegga ay tahay in la qaataa waxa weeye:

1. Noocyada dacwaduhu kuwee ayey u badan yihiin.
a) Ma kuwa dawladdu dhinac ka tahay sida dacwadaha ciqaabta, dacwadaha dastuuriga ah, dacwadaha maamulka IWM,
b) Mise dacwadaha madaniga, qoyska, dhaxalka, xaqa/qoomaha, magaha, qasaamada IWM.

1. Cabashooyinku se dacwadahee ayey u badan yihiin.

Waxa la wada ogyahay in dacwadaha dastuuriga ah iyo kuwa maamulku sidoodaba wakhtiyo kooban ay maxkamadaha soo galaan inta badana cabashadoodu dadweynaha aanay gaadhsiisnayn. Dacwadaha ciqaabtana waxa dhici karta in Xeer-Ilaalintu dhinac ha ka ahaatee, haddana intooda badani yihiin kuwo aanay xukuumadda dani ugu jirin. Markaa horta sideedaba sidaasay u yar tahay dacwadaha ay xukuumadda dani ugu jirtaa, cabashooyinka ka iman karaana ma noqdaan inta badan kuwo xukuumadda loo xambaariyo ee waxay noqdaan: rumaankii baa igu muddo-dhaafay oo maxkamad layma hor-geynin, racfaankaygii lama dhaqaajin, mag reer lagu leeyahay baan u xidhanahay, dhaar qasaamo ah baan u xidhanahay.

Waxaas oo dhammi waa wax u yaalla garsoorka ee ma aha wax xukuumadda u yaalla. Waxaan qabaa in cabashooyinkaa ciqaabta ka imanayaa ay yaraadeen iyadoo ku timi Wasaaradda oo warbixin bille ah ka hesha xabsiyada, dabdeedna maxkamadaha ku baraarujisa oo xusuusisa dadka xabsiyada ugu kala xidhxidhan maxkamadaha ee aan ka helin xaqii ay ku lahaayeen garsoorka – sida xaqa dacwad-qaadista, xaqa racfaanka iyo xaqa fulinta sababta ay u xidhan yihiin (qasaamada iyo mag u kala qaadista dhinacyadaoo kale).

Dhinaca kale, dacwadaha madaniga, qoyska, dhaxalka, xaqa/qoomaha, magaha iyo qasaamada oo ah dacwadaha aanay xukuumadda dani ugu jirin ee dadweynaha ka dhexeeya oo cid waliba ogtahay in ay yihiin kuwa dadka daba socdaa sannado maxkamadaha meehannaabaan, ee ah kuwa iyagoo fulin gaadhey haddana lagaga soo cawdo in dib loo furay, ee ah kuwa mararka qaar layskuba dilo ma faro-gelin xukuumadeed baa loo nisbayn karaa? Markay sidaa tahay qaylada dami weydey halkeebay ka jirtaa. Faro-gelin xukuumadeed sidaasaan loogu aanayn karine soo in la eego oo la darso oo wax layska weydiiyo maaha?

Is-weyddintu markaa waxay noqonaysaa haddii cadaalad-darro laga tirsado garsoorka, ma garsoorku wuu madax-bannaan yahay baa lagayaa joogayaa?

Waxaan leeyahay waa ma. Waax ka mid ah Waaxa dawladda oo in ay waajibaadkeeda ka baydho oo mas’uuliyaddii ay ummadda u haysey baylihiso u madaxbannaani ma jirto. Waaxaha dawladdu waxay isku leeyihiin is-ilaalin – midba tu kale ay ku leedahay ilaalin iyo dheellitir (Check and balance). Haddii is-ilaalintaas la waayo oo la yidhaahdo Waaxna hawsheeda Waax kale kalama xisaabtami karto waa la burburayaa caalamka meel ay taasi ka jirtaana ma jirto.

Yaa, markaa ilaalinta ku leh Waaxda Garsoorka oo la xisaabtami kara?

Waxaan leeyahay, iyadoo ay jirto Guddida Cadaaladdu oo ah hay’adda leh in ay garsooreyaasha la xisaabtanto, marka ay qayladu dhaafto yaa la xisaabtamaya iyada? Waxaan leeyahay Madaxweynaha oo leh qaadista tallaabada xilka lagaga qaadayo Guddoomiyaha iyo garsooreyaasha ka tirsan Maxkamadda Sare ee xubnaha ka ah Guddida iyo mas’uuliyiinta kale ee kaga midka ah Guddida Xilka ay hayaanba oo inta ay u badan tahay Guddidu.

Markaan taas la isku diidanayn, ma waxa awoodda Madaxweynuhu noqonaysaa in uu Guddoomiyaha uun u yeedho oo uu isaga uun warkiisa ku qanco? Waxaan leeyahay, iyadoo taasi u bannaan tahay oo sameeyo Madaxweynuhu, kama reebbana in uu cid kale u egmado in ay warbixin uga keento xil-gudashada Guddida iyo waxa dhibaatooyin haystaba. Guddidan ninka leh Madaxweynuhu hawshiisa sidaa uma qabsan karaw adigaa daliil keeni? Waa arrin u bannaan Madaxweynaha oo ka mid noqonaysa qaababka uu mas’uuliyaddiisa u qabsanayo.

Waxa iyana xusid mudan in arrintani tahay mid aanaan garsoorka isku diidin oo ay soo dhaweeyeen oo lagaaga wada hadlayo maxaa ka jira cabashooyinka dadweynaha, maxaa xil-gudashadiina carqalad ku ah oo loo baahan yahay in wax laydinkala qabto maxaa se dhallilaha jira xal u noqon kara? Ninka intaas wax lagu saxayo cudur ka dhigey cudur ka bixi mayo.

Eedda ah in aniga shakhsi ahaan doonayo in garsoorku I hoos-yimaaddaana waa mid aan waxba ka jirin. Anigaa garsoorka ku wareejiyey mashruuca maxkamadaha wareega oo hortay Wasaaraddu maamuli jirtey. Anigaa iyaa uga hawlgalay in mushaharka garsooreyaasha Maxkamadd Sare lagala mid dhig kuwa goleyaasha kale, aniga u hawlgalay in garsooreyaasha maxkamadda hoose qof walba loo kordhiyo sannadaka 600,000/ sh.Sl. Anigaa u diyaar ah inaan ku wareejiyo miisaanyaddeeda iyo maammulidda shaqaalaha garsoorka ka dib markaanu la dhiso awooddii ay ku maamulan lahaayeen. Markaa waxaan ahay nin dhisaya garsoorka ee laygua tilmaami karo nin Garsoorka hawshiisa ku haysta.

Taas haddan intaas ku dhaafo, waxaan uga gudbayaa Madaxbannaanida Garsoorka uu dastuurku u siiyey hawlihiisa uu Dastuurku tilmaamay, waxa faragelin aan qarsoonayni ay kaga timaaddaa xubno ka mid ah Golaha Wakiillada uu ka mid yahay Cabdiraxmaan-Dheere oo uu ogyahay welina aanu ka hadlin.

Xubnahaasi waa xubnaha iyadoo xeerka Qareennadu aanu u oggolayn, haddana dacwadaha maxkamadaha ka socda dhinac ka noqda ee qareennimo ku gala. (Eeg qodobka 2aad{2} ee Xeerka Qareennada, Xeer Lr. 30/2004). Waxaynu ognahay in xubnahaasi mararka qaar ay garsooraha u xidhaan qolka iyagoo huwan shaadh Gole Wakiil iyadoo ay hor tuban yihiin qareennadii dacwadda ddhinaca kale ka ahaa. Waxa kale oo aaynu ognahay in ay mar intaan hubo ay maxkamaddii oo fadhida ay ka dareereen iyadoo ay dembi tahay in cidi ka bixi karto maxkamad furan taasoo ay quudhsi sameeyeen. Weliba raggaas aan ka hadlayo waxa ka mid xubno ay Cabdiramaan-dheere ay ku wadajiraan Guddida u xilsaaran arrimaha Garsoorka. Markaa ma wuxuu doonayaa in ay boodh-isku-qarintaa ku wataan faro-gelintaas ciddi ay xilkeeda ahaydna ay ka gudan weydo mas’uuliyaddeeda.

Cabdiraxmaan waxa uu si toos ah uga mas’uul yahay tayo-xumida ku dhacday Guddida Cadaaladda ee keeni karta xil-gudasho la’aanta Guddida, isagoo ahaa Guddoomiyihii Guddi-Hoosaaddii Golaha Wakiillada ee xubnaha u soo xushay Guddida saamayn weynna ku lahaa soo-xulidda xubno aan buuxin shuruudihii dastuurku u dhigay. Cabdiraxmaan ha la weydiiyo wuxuu dhaafsaday arrintaas.

Inanka kale isaga waxa jawaab ugu filan arrimaha aan sida togan (positive-ka ah) uga hadlay ee xagga sare ku qoran.”




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *