Wasiirka Caafimaadka oo ka hadlay dad Cabasho ka dhan ah cisbitaalka Hargeysa la hor-tagay

Hargeysa (foore)- Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Xuseen Muxumed Maxamed (Xuseen Xoog) ayaa ka hadlay dad cabasho la hortagay cisbitaalka guud ee Hargeysa, kuwaasi oo ka gadooday lacag toban dollar ah oo la sheegay in lagu diiwaan gelinayo bukaanka doonaya inay la kulmaan dhakhaatiir Iraaniyiin ah oo adeegyo caafimaad oo lacag la’aan ah ka fulinaya cisbitaalkaasi.

Dhakhaatiirtan oo cisbitaalka Hargeysa ka hawl geli doona muddo dhawr maalmood ah waxay u socdaan inay qaliino iyo dawayn bilaash ah u sameeyaan dad ka cabanaya xunuuno kala duwan.

Dad danyar ah oo awoodi waayay qadarka lacageed ee maamulka cisbitaalku ugu tallo galay inay ku diiwaan geliyaan bukaanka u soo muraaday dhakhaatiirtan ajanabiga ah, ayaa maanta cabashadooda gaadhsiiyay wasiirka wasaaradda caafimaadka oo ay u sheegeen inaanay tahli Karin lacagta adag ee la weydiiyay, waxaanay ka dalbadeen inaan dadka danyarta ah laga lumin fursaddan ay heleen.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr. Xuseen Muxumed Maxamed, oo la hadlay dadkan oo u badnaa haween ayaa sheegay in arrintani khalad tahay, waxaanu amar ku bixiyay in dadkii laga qaaday 10-ka dollar loo celiyo.
Wasiirku wuxuu sheegay in hore ay u qorsheeyeen in bukaanka u socda dhakhaatiirtan laga qaado shan kun oo shilin oo diiwaan gelin ah, qofkii aan haysana laga daayo.

Dr. Xuseen Xoog wuxuu dadkaas bukaanka ah ka raali geliyay tallaabadan ay qaadeen hawl wadeenadda cisbitaalka ee ka hoos shaqeynaya kooxdan dhakhaatiirta ah, hase yeeshee muu carabaabin inuu wax tallaabo ah ka qaadi doono shaqaalihii talaabadaasi qaaday iyo jn kale.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *